Jaamac-Shabeel oo Si adag uga Hadlay Jabhad Galbeedka Gobolka Sanaag lagaga Dhawaaqay

Jaamac Shabeel
Jaamac Shabeel

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madaxa-bannaan ee Dalka, ayaa gef iyo deel-qaaf ku tilmaamay Koox deegaannada Galbeedka gobolka Sanaag kaga dhawaaqay Jahbad Khamiistii 16-ka April 2020 oo Shalay ku beegnayd.

JAAMAC ISMAACIIL CIGE (JAAMAC-SHABEEL).jpg
JAAMAC ISMAACIIL CIGE (JAAMAC-SHABEEL)

Kooxda sheegtay inay Jabhadda ku dhawaaqeen, ayaa sababaha ku kallifay go’aankooda ku micneeyey caddaalad-darro ay ka tirsanayaan Xukuumadda Somaliland, iyagoo ku gooddiyey inay diyaar u yihiin dagaal ay la gaalaan ciidamada Somaliland haddii Gacan la saaro Boqor Cismaan Buur-madow oo Beeshooda ka tirsan, kaas oo ay sheegeen in loo hanjabay.

 

 

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa dhawaan ku baaqay in madax-dhaqameedka laga qayb-galiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaas oo xukuumadda iyo axsaabta siyaasaddu si adag uga biyo-diideen ugu baaqeen in madax-dhaqameedku ku ekaadaan hawlaha Dhaqanka ee ay beelahooda ugu xil-saaran yihiin.

Siyaasi Jaamac Shabeel oo hore u ahaan jiray guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa mar uu maanta la hadlayey Warbaahinta, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab kallifi karta in beesha kooxdaasi ka soo jeeddo ku tallaabsadaan go’aan noocan ah.

Haddaba, Warka Jaamac-Shabeel arrimahan iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.