Jabuuti oo Hoggaaminaya Tirada Dadka Covid-19 laga helay Bariga Afrika iyo Wararkii ugu dambeeyey Dunida

COVID19 2020.png
COVID19 2020.png

Dunida(aftahannews):- Sadhada aan Xuduudka lahayn ee sida Dabaysha ugu fiday Dalalka Caalamka, isla markaana weerara Sambabbada Aadamaha ee Covid19, ayaa marba marka ka dambaysa ay soo kordhayaan Tirada Dadka uu soo ridanayo iyo inta u dhimanaysaa-ba.

COVID19 2020.png
COVID19 2020.png

Xanuunkan oo Dalka Shiinaha ka bilaabmay Bishii November ee 2019-ka, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan Dunida, ha ugu darnaadeen dalalka Yurub iyo Maraykankuye, waxase uu hadda u muuqdaa mid isku ballaadhinaya dalalka Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika waddamada ku yaalla oo markii hore ka roonaa saamaynta xanuunkaas, ayaa hadda uu Dad badan soo ritay, waloow aanay Shiinaha, Yurub Iyo Maraykanka u dhawayn.

Aynu ku horreyno’e Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah Dalka hoggaaminaya dhinaca Tirada Dadka uu haleelay Covid-19 Bariga Afrika, ayaa Jimcaha 17-ka April 2020-ka, waxay Dowladdu shaacisay in 141 Qof oo cusub laga helay Covid-19.

Sidoo kale, Jabuuti oo maalmihii u dambeeyey Dadka xanuunka laga helay aad u kordhayaan, ayaa khamiistiina laga helay 156 Qof Qof. Hase-yeeshee, 141-ka qof ee Jimcaha la shaaciyey in Covid-19 laga helay, ayaa ka mid ahaa 1,560 qof oo cudurka laga baadhay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada guud ee dadka cudurka laga helay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa hadda maraya 732 Qof, waxaana xanuunka u dhintay Jabuuti laba Qof, halka ay , ayada oo Cudur-dhaliyaha Corona-virus laga Baadhay Waddanka Jabuuti 6,550  Qof.

Dalka Itoobiya, wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Itoobiya waxay sheegtay in tirada guud ee Dadka xanuunka laga helay marayso dalkeeda 96 Qof, waxaa cusub 4 Kiis, Dhimashaduna Waa saddex qof 3, waxaanay wasaaradda Caafimaadka Itoobiya intaas ku dartay inay 15 Qof ka bogsadeen Cudurka.

Dhinaca Kenya haddii aynu eegno, Tirada Dadka Xanuunka Covid-19 laga helay waxay maraysaa 246 Qof, waxa cusub 12 Kiis, waxaana u dhintay 11 Qof, halka ay ka soo kabteen amma ka ladnaadeen Xanuunka, 53 sida ay Wasaaradda Caafimaadka Kenya sheegtay.

Soomaaliya, waxay maraysaa 80 Qof tirada Cudurku ku dhacay, waxaana u dhingtay 5 Qof, halka Dhawr Qof ka soo kabteen Xummaddii xanuunka.

Sadhadan Dunida Saamaysay ee Covid19 oo Bishii November ee 2019-kii ka bilaabantay magaalada Wuahan ee Dalka Shiinaha, ayaa Dalalka Caalamka wada gaadhay, marka laga reebo dhawr Waddan oo keliya.

Tirada Dunida uu ku dhacay Covid-19 waa, 2,217,887, halka ay Caalamka ugu dhinteen 151,935, waxaana ka soo kabtay 566,326, sida lagu sheegay Warbixinihii ugu dambeeyey ee Hay’adaha, Jaamacadaha iyo Warbaahinta aadka ugu mashquulsan ururinta xogta saamaynta xanuunku ku keenay Aadamaha Dunida.

Haddaba, Maraykanka oo hoggaaminaya waddamada Dunida ee Xanuunku gaadhay, Tirada guud ee uu ku dhacay Maraykanka, waxay maraysaa 689,938, waxaa cusub 12,368 Qof, halka ay Tirada Dadka u dhintay Maraykanka Covid-19 marayso  35,915, dhimashada cusub 24kii saac ee ugu dambeyey Maraykanka ayaa ah  1,298, halka la sheegay inay xanuunka ka ladnaadeen 58,179

Dalka Spain oo kaalinta labaad labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ku jira ku jira, ayaa Tirada Dadka uu xanuunku ku dhacay maraysaa 188,093, waxaa cusub 3,145, halka ay dhimashadu gaadhay 19,613, iyadoo tirada maalin laha ah ee xanuunka u dhimanaysaa dalkaas hoos uga dhacday sidii maalmihii iyo toddobaaddii hore, maantana ay ahayd inta dhimatay 298, halka ay kazoo kabteen xanuunka 74,797.

Waddanka Talyaaniga oo hadda ku jira kaalinta saddexaad, ayaa tirada Dadka uu xanuunka Covid-19 ku dhacay maraysaa 172,434, waxaa cusub 3,493, dhimashaduna waxay Talyaaniga gaadhay  22,745, iyadoo dhimashada cusubi tahay 575 Qof, waxaana cudurka ka ladnaatay 42,727 Ruux Dalka Talyaaniga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.