Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo Fashiliyey Koonteenar Qaab Musuq ah Kastamka Berbera u Cashuuray

KOONTEENER BERBERA LAGU FASHILAY 2020
KOONTEENER BERBERA LAGU FASHILAY 2020

Berbera(aftahannews):- Kastamka Cashuuraha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Magaalo Xeebeedka Berbera, ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday dhacdo la yaab leh oo Maamulka Kastamka Berbera ay sifo khaldan oo baal marsan nidaamka Cashuuraha ku Cashuureen Koonteenar ay ka buuxeen Xadi aad u badan oo Mobilo ah Iyagoo Juwanka Cashuur shubista ugu jaray in Koonteenarkaasi uu yahay Sonkor.

KOONTEENER BERBERA LAGU FASHILAY 2020
KOONTEENER BERBERA LAGU FASHILAY 2020

Sida ay Xogo lagu Kalsoon yahay ay sheegeen Koonteenarkan oo u rarnaa mid ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa sheegay in badeecada ku jirtaa ay tahay 60 Kiish oo Sonkor ah, Sida uu Sharciga yahay intaan Koonteenarka la Cashuurin waxaa baadha Sarkaalka ugu sareeya Xafiiska hubinta badeecadaha la cashuurayo Wuxuu xafiiskani loo abuuray inuu yareeyo khaladaadka shaqo ee ka dhasha badeecadaha la cashuurayo, Sarkaalka hogaamiya Xafiiskaas ayaa baadhay shixnada Koonteenarkaas ku jirtay gudihiisa waxaanu cadeeyay inay saaran tahay 520 Kiis oo Sonkor ah, Waxaanu warbixintiisa u gudbiyey Maamulaha Kastamka Berbera oo u Jaray Juwanka lacag qabashada in Koonteenarkaasi uu Yahay Sonkor, Isagoo ku cashuuray sida naloo cadeeyay Lacag dhan 26 Milyan.

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HORUMARINTA MAALIYADDA SOMALILAND MAXAMED CABDI GURXAN
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HORUMARINTA MAALIYADDA SOMALILAND MAXAMED CABDI GURXAN

Markaas kadib inta aan badeecad kasta laga saarin dekeda waxaa baadhis labaad sameeya Xafiis xilkiisu uu yahay hubinta badeecadaha ka baxaya dekeda kaas oo hoos taga maamulaha kastamka berbera Waxaanu xafiiskaasi waafaqay baadhistii hore ee xafiiska kowaad ee hubinta badeecadaha.

Habka cashuur bixinta ee haatan la isticimaalo oo ah Data Base Casri ah oo Electaroonig ah isla markaana uu Maamulo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, Wuxuu System-kani awood u siinaya Maamulaha Kastamka Berbera inuu la socdo dariiqa ay marayso badeecada la cashuurayo ee Kastamka ka baxaysa Sidoo Kale System-kan oo Online ah Waxaa lagala Socda Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Waxaana lagu dareensiiyey in Badeecada ay ku cashuureen Sonkorta ay iska hubiyaan, Hasa yeeshee Waxaa dhacday in Koonteenarkaas laga saaray Dekeda Berbera una soo ambo baxay dhanka Caasimadda Hargaysa.

Agaasimaha Guud oo hab Online ah kula socday inaan la Sixin Khaladkaas ayaa Weydiiyey Maamulaha laanta hubinta halkuu ku danbeeyay Koonteenarka Shakigu ka taagnaa, iyo halka ay hawshiisu marayso.

Waxa uu Mas’uulkaasi u sheegay inuu Shaqada ka maqan yahay wakhtigaas Wuxuu Agaasimaha Guud ku amray in War sugan ka soo siiyo Koonteenarkaas maadaama aan dhaqdhaqaaqiisu ku cadayn System-ka Cashuuraha ee Kastamku Isticimaalo, Sida uu Warku sheegayo Maamulahaas ayaa Markii danbe ku soo wargeliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda in Koonteenarkaasi uu ka baxay Dekeda waxaanu Amar Buuxa ku siiyay inuu gacanta ku soo dhigo Gaadhiga qaaday Koonteenarkaas Waxaana aakhirkii Suurto gashay in lagu soo qabto Kaantaroolka Magaaladda Abdaal dibna loogu Celiyey Dekedda Berbera.

Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo arrintan u dhuun daloolay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa ka war hayay dhaqdhaqaaqa Koonteenarkaas oo badeecada uu waday lagaga soo qaaday dalka Shiinaha isla markaana Xog buuxda ka hayay inay ku jiraan Mobilo aad u badan.

Maxaa Markaas ka dib dhacay?

Ganacsadihii lahaa Badeecada ku jirtay Koonteenarkaasi ayaa ka Codsaday Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire in Koonteenarka ay ku dhex jiraan Mobilo isla markaana uu rabo in laga khafiifiyo cashuurta laga qaadayo sida ay Xogtu sheegayso waxa uu ganacsaduhu ku dooday in Tirada Mobilada ee ku jira Koonteenarku ay dhan yihiin 90 Kun oo Xabo iyo 60 Kiish oo Sonkor ah.

Markaas Kadib Waxay madaxda Sare ee Wasaaradda Maaliyadu qaateen Talaabo ay ku hubinayaan inay is waafaqaan Tirada Mobilada ee ganacsaduhu sheegay iyo inuu wax farqi ahi jiro waxaana Magaaladda Berbera loo diray Agaasimaha Waaxda Kastamada iyadoo si daah furan loo baadhay dhamaanba Mobiladii iyo Sonkortii ku Jirtay Koonteenarkaas iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Kastamka Berbera Sida Maamulaha Kastamka iyo Maamulaha Laanta Hubinta badeecadaha iyo Sarkaalka Xafiis Baadhista Badeecadaha dekeda yimaada iyo Weliba Wakiil ka socday Ganacsadaha leh badeecadaasi.

Waxaa halkaas lagu ogaaday in Koonteenarkaas ay Ku Jireen Boqol iyo Lix iyo Toban kun oo Mobil iyo Lixdan Kiish oo Sonkor ah.

Mobiladan ayaa Lagu Cashuuri lahaa lacag ka badan Laba Bilyan iyo Badh oo Shilling Somaliland ah amase ( Sadex Boqol Todoba iyo Konton kun Boqol Sadex iyo Afartan Dollar). Taas oo u dhiganta lacagta lagu cashuuro Markab sida 12 Tan oo raashin ah.

Madaxda Sare ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaaradaasi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi ayaa wararku sheegayaan inay aaminsan yihiin in Maamulka Kastamka Cashuuraha ee Berbera iyo Labada Xafiis ee Hubinta Badeecadaha yaala Dekedu in aanay ka soo bixin Waajibaadkii laga rabay inay mariyaan Koonteenarkaas maadaama oo iyadoon laga saarin Systemka uu ka baxay Dekeda Berbera iyo inay Jiri karto in Maamulka Kastamka iyo Ganacsadaha uu u rarnaa Koonteenarku ay heshiis ku ahaayeen qorshahan fashilmay.

Laba Todobaad ka hor waxaa dhacday in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu uu ku wargeliyey Maamulka Kastamka Berbera inuu dib u hubiyo badeecad ganacsi oo ay Cashuureen taas oo baadhis kadib ay kala duwanaadeen Bucshiradii la cashuuray iyo Noocii badeecadeed ee Juwanka Cashuurta loogu jaray.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa Mudo 7 Sano ah ahaa Maamulaha Kastamka Cashuuraha ee Magaaladda Berbera isla markaana aqoon durugsan u leh habka Cashuuraha iyo maaliyadda dalka.

Sida ay Xogahani Muujinayaan Dhacdooyinkan la yaabka leh ee ka dhacay Kastamka Magaaladda Berbera oo ah ka ugu weyn ee Cashuurtu ka soo gasho Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ay laga dheehanayaa inay Habacsanaan weyni ka muuqato.

Waxaana Isha lagu hayaa Talaabada ay Madaxda Sare ee Wasaaradaasi ka qaadaan mas’uuliyiinta dayacaada shaqo ka muuqato ee ku guuldaraystay inay Gaadh ka hayaan dhaqaalaha ka soo baxa kastamkaasi oo laf dhabar u ah dekhli soo saarka wasaaradda Maaliyadda.

Berbera/Somaliland.