Dowladda Jamhuuriyadda Djibouti oo Dhintay Cashuurta Badeecadaha Itoobiya ka Dhoofiso Dekedeheeda

DJIBOUTI PORT USE EHTIOPIA
DJIBOUTI PORT USE EHTIOPIA

Djibouti(aftahannews):- Dawladda Djibouti ayaa hoos u dhigtay 82.5% cashuurta ay ka qaado baddeecadaha Itoobiya ka dhoofiso Dekeddaha Jamhuuriyadda Djibouti, wakhtigan lagu jiro awgii.

DJIBOUTI PORT USE EHTIOPIA
DJIBOUTI PORT USE EHTIOPIA

Sida ay todobaadkan baahiyeen qaar kamida Warbaahinta caalamiga ah, sababta ay dawladda Djibouti u qaaday talaabadan ayaa la xidhiidha dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ee ka dhashay cudurka Corona Virus oo dunida faro baas ku haya.

Itoobiya iyo Djibouti, labadaba waxa sii kordhaya tirada kiisaska cudurkaasi ee laga helay, kaddib markii uu bilihii la soo dhaafay ka dilaacay, isagoo ku horeeyey dalka Itoobiya oo uu dad badan ku soo riday.

Dawladda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay go’aanka djibouti qaaday.
Reysalwasaaraha Dalkaasi Abiy Axmed, ayaa bartiisa Twitter ku sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Djibouti, iyagoo u arka mid mid kamida taakulaymaha iskaashiga ku dhisan ee culayska ka yimi cudurka Covid19.

“Mahad-naq balaadhan ayaa u dirayaa madaxweynaha djibouti sida uu u aqoonsaday deriskiisa baahan, Iyada oo 82.5% hoos-u-dhigtay cashuur-dhaafka baddeecadaha laga dhoofiyo waqtigan adag.
taakulayntu waxay markhaati u tahay ka-hortagga saamaynta COVID19 iyada oo loo marayo hoggaamin wadajir ah”ayuu yidhi Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin qoraal ah ku baahiyey 14 Bishan April.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.