Somaliland: Wasiirka Diinta oo Bulshada u Sharraxay Qalad-fahanka Ka Digista Jamaca Masaajiddada

MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO Culimo Masaajidda ka Hadlay 2020.jpg
MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO Culimo Masaajidda ka Hadlay 2020.jpg

“Waxa ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftay ugu Baaqaysaa Culimada in aanay ku deg-degin in ay Bulshada la wadaagaan Warar aan la hubin…” War-saxaafadeed Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin dheeraad ka bixisay qodob ay soo saartay Guddiga ka hor-tagga heer Qaran ee Cudurka Covid-19 oo la xidhiidhay in Bulshada ay u bannaan tahay inaanay isugu iman Salaadaha Jamaca iyo Jamaceeda ah ee Masaajiddada, taas beddelkeedana ay guryohooda ku tukadaan.

MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO Culimo Masaajidda ka Hadlay 2020.jpg
MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND IYO Culimo Masaajidda ka Hadlay 2020.jpg

Hase-yeeshee, qodobkaas oo ay Bulshada qaybo ka mid ahi si qaldan u turjumeen, una arkeen in la yidhi Masaajiddada halla wada xidho. Haddaba, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa qalad fahamkaas sixitaan ku sameeyey, waxaanu sheegay inaanay Dowladdu amrin in Masaajiddada la xidho, balse iyadoo Danta Shacabkeeda ka duulaysa, si aanu ugu faafin Cudurka Dunida aafeeyey ee Corona-virus (Covid-19), ay Guddigu soo jeediyeen inaan la isugu iman Salaadaha Jamaca ah ee ay Dadka u bannaan tahay inay Guryohooda ku tukadaan, si ay uga baaqsadaan qaadista iyo faafinta xanuunka.

War-saxaafadeed Qoraal ah oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa Shir Jaraa’id oo ay galabta ku qabteen Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, Warbaahinta uga akhriyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Warsaxaafadeed:                                                             15/04/2020

Iyada oo laga duulayo, xaaladda caafimaad iyo faafidda fiyraska COVID-19, iyo sida uu u saameeyay guud ahaan caalamka, ayaa guddida heer Qaran ee u diyaargarowga iyo ka hor tagga xanuunka COVID-19, waxa ay soo saareen go’aammo iyo amarro khuseeya arrintan.

Qodobada go’aamadaasi oo  soo baxay 13-April-2020,  waxaa ka mid ahaa qodobka koowaad oo dhignaa ; “ ‘Guddidu markey daristay qodobka 6-aad ee talo soo jeedinta ah ee culimadu ay soo saareen 4-tii Appril, kuna aaddanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidan ‘’ In shareecadeenna suubban ay u bannaysay umadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag sida; xanuunannada faafa IWM, Iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aaddan xanuunka COVID-19, Waxa ay guddidu bulshada Somaliland faraysaa in muddo 4-todobaad ah ay masaajidada ka maqnaadaan taas oo ka billaabmaysa 15-April-2020, ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda cudurka, waxaa mu’addiniinta masaajidda la farayaa in ay eedaanka salaadda ku daraan guryihiina ku tukada(Salluu fii rixaalikum).’

Go’aankaasi ka dib, waxaa soo baxaya warar iyo dareen kala duwan oo ku aaddan fahanka qodobkaasi. Waxaa jira culimo Aw-diin ka dareen celiyay arrintaasi.

Haddaba, Waxa aannu rabnaa in aan  dadweynaha reer Somaliland la wadaago qodobbadan soo socda:-

1-         In go’aankaasi ahaa mid ka soo baxay guddida heer Qaran ee ka hor- tagga COVID-19, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna guddidaasi ay xubin ka tahay.

2-         In qodobkaasi 1-aad ee guddidu soo saartay, marnaba aan lagu xusin masaajiddada ha la xidho, laakiin dad weynaha lagu wargeliyay in ay guryahooda ku tukadaan, si looga badbaado faafidda cudurkaasi, Diinteenna suubbanna ay bannaysay sida ay Culimadu ku taliyeen.

3-         Waxa ay Wasaaraddu aamminsantahay sida Dhakhaatiirtuba caddeeyeen, in ay halis caafimaad tahay isu-imaanshiyaha bulsho ee ay Masaajiddada isugu imanayaan, maaddaama la caddeeyey in xanuunkani ka hortag mooyaane aanu lahayn  ka daba tag, si xawli ahna u faafayo. Waxa aynu ognahay siduu uu u dhibaateeyey una aafeeyey xanuunkani dalalkii dadkoodu ka baaqsadeen in ay maqlaan talooyinka caafimaad ee la siiyey.

4-         Waxa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa Culimada in aanay ku deg-deg degin in ay bulshada la wadaagaan warar aan la hubin.

5-         Wasaaraddu, waxay u mahad-celinaysaa guud ahaan Culimada dalka, sida ay mar kasta ula garab taaganyihiin wacyigelinta xanuunkan. Allaa mahad leh.”

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu War-saxaafadeedka ka dib, sharraxaad ka sii bixiyey isla qodobkan, waxaanu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen Weriyeyaal ka tirsan Suxufiyiinta Shirkaa Jaraa’id ka qaybgalay, waxaanan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.