Ajaanibka oo Weli Ku Soo Qul-qulaya Somaliland iyo Tallaabooyinka looga Baahanyahay Hay’adaha Amniga iyo Sirdoonka

PHOTO FILE OROMO IN HARGEISA SOMALILAND
PHOTO FILE OROMO IN HARGEISA SOMALILAND

 Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa amar culus kazoo saartay dadka ajaanibka ah ee ku sugan dalkeeda, kadib markii ay xilligan soo baxeen kiisas cusub oo ah caabuqa Coronavirus, kaas oo si weyn ugu faafay dunida, isla markaana dalalka ay jaarka yihiin Somaliland ay sii kordhayaan marba marka ka danbaysa.

PHOTO FILE OROMO IN HARGEISA SOMALILAND
PHOTO FILE OROMO IN HARGEISA SOMALILAND

Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garowga iyo ka hor-tagga xannuunka COVID-19, ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aamo kala duwan iyo awaamiir oo ay maanta soo saareen ku sheegay in lagu amrayo inay dhammaan dadka aan u dhalan Somaliland ee ajaanibka, isla markaana aan haysan sharciga ay si deg –deg ah uga baxaan.

“Dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu war-gelinayaa in ay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudahood ah oo ka bilaabmaysa 15 April 2020.” Ayaa lagu yidhi, go’aanka amarka ah ee ku waajahan dadka ajaanibka ah.

Dhinaca kale, Somaliland, waxa ku sugan kumanaan qof oo ajaanib ah, kuwaas oo ka kala yimi dalalka Yemen, Ethiopia, Syria, India, Bangladesh iyo dalal kale oo Afrika ah, iyadoo nabadgelyada iyo deganaanshanaha Somaliland ka jiraa sababeen inay dad baan nolol iyo shaqooyin usoo raadsadaan, waxayna qaarkood kasoo qaxeen dalalkooda sida kuwa Yemen iyo Syria oo intooda badan diiwaangashan,halka kuwo kalena ay yihiin xirfadlayaal iskood u xoogsada,  Balse dadka kasoo qul-qulaya dhanka Ethiopia oo intooda badan sharci-daro kusoo gala dalka ayaan marin nidaamka sharciga, walaw qarkood ay ka diiwaangashan yihiin Hay’addaha Somaliland, ma jirto tiro sax ah oo laga hayo dadkaa, kuwaas oo inta badan ku shaqaysta inay dawarsadaan.

Xilligan uu dunida ka jiro caabuqa Coronavirus, weli waxa Somaliland kusoo qul-qulaya dadka ka imanaya Ethiopia ee u badan Oromada, kuwaas oo habeen iyo maalin soo gala dalka, isla markaana sida ay sheegayaan xoggaha soo baxayaa ay soo qaadaan dad wata gaadiidka yar yar, kuwaas oo ku dejiya inta badan duleedka Bari ee Magaalada, iyagoo soo dhaafiya goobaha Kaantaroolada, isla markaana waxay dadkan oo kolanyo ah socdaan habeenkii xiliyo danbe, iyagoo wata caruurtooda, isla markaana u badan dumar iyo caruur, kawaas oo kasoo lugeeya masaafada ugu yaraan Buurta kala jeexan, waxayna iyagoo wata caruurtooda oo madaxa ku sita si toos ah usoo galaan magaalada Hargeysa, iyagoo oo aan u muuqan inay kasii gudbayaan oo u dhaafayaan magaalooyinka kale, marka laga reebo kuwa iyagu doonaya inay tahriibaan, walaw ay xilligan adagtahay inay usii gudbaan dhanka Boosaaso oo ay uga gudbi jireen dhinaca dalalka Carabta.

“waxan ka imi dhanka Ethiopia, waxaan gaadhi nooca Noah kasoo raacay Wajaale, Kaantarool walba oo aannu soo maro, wuxuu dareewalku isagoo aan doonayn in la baadho dadka uu sido iyo gaadhigiisa lahaa, “Waa Dadkeenii, isagoo gacanta u fidinaya Askariga”, kadibna waxa uu sii wadanayay safarkiisa, markii aan la yaabay sheekada, ayaan weydiiyay arrinta, wuxuuna iigu jawaabay, “waa kuwo Oromadii ah oo waxaan ku daadinayaa halkaa Buurta kala jeexan, sidaa ayaan kusoo galay magaalada,” sidaa waxa yidhi, qof safar kaga yimi toddobaadkan dhanka Wajaale, waxayna arrintan dhacaysaa, iyadoo aynu ognahay xaaladda xilligan ee dunida.

 Somaliland, waxay marar badan dalka ka saartay dadka aan diiwaangashanayn, isla marakaana aan haysan sharciga, balse mar walba waxay dadkaasi usoo laabtaan si deg-deg, waxayna xilligan ay jiraan xaaladdaha khatarta ah ee caabuqa COVID-19, kusoo badanayaan Somaliland oo ay habeenkii usoo galaan koox koox, iyadoo ay weli u muuqato in ay albaabadu furan yihiin, taas oo khatarteeda leh, sidaa awgeed go’aanka kasoo baxay maanta guddida, wuxuu ku haboonaa xilligan ka hor, balse waxa lagama maarmaan ah xaaladda caabuqa ee dunida oo dhan wax ka bedeshay.

Waxay inta badan dalalku hawgeliyeen Hay’addaha sirdoonka iyo kuwa amaanka si indhaha ugu hayaan dadka soo galaya dalalkooda iyo inay dadka ajaanibka ah qaarkood khatar ku noqdaan caafimaadka bulshada oo qayb ka noqdaan faafitaankiisa, iyadoo la rumaysan yahay inay jireen dareeno siyaasadeed oo ku lamaan faafitaanka caabuqa COVID-19, taas oo sababtay inay dalal badan arrimahan maamulka iyo maarayntooda ay u gacan-geliyeen Dhakhaatiir Millateriir ah iyo Saraakiisha Hay’addaha Sirdoonka,  sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in xukuumadda iyo hay’addaheeda qaranku ku baraarugsanaadaan waxa dunida ka dhacaya iyo xaaladdaha soo cusboonaaday oo aan loo arkin arrintan inay tahay mid keliya mid ay maamulayaan dhakhaatiir iyo kooxo guddiyo ah.

 Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.