Madaxweynaha Turkigu Muxuu ku Diiday is-casilaadda Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha?

Reccep Tayyip Erdogan and Suleyman Soylu 2020
Reccep Tayyip Erdogan and Suleyman Soylu 2020

Ankara(aftahannews):- Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha guduhu u gudbiyey, ka dib markii uu cambaarayn xooggan kala kulmay xanibaad deg-deg ah oo dalkaas lagu soo rogay, taasoo sababtay in dadku ku yaacaan Dukaamada Cuntada iyo Baananka, iyaga oo argagaxsan.

Reccep Tayyip Erdogan and Suleyman Soylu 2020
Reccep Tayyip Erdogan and Suleyman Soylu 2020

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu oo lagu tilmaamo Wasiir awood badan, ayaa la kulmay dhalliilo badan oo loo jeediyey, kadib markii bandoow 48 saac ah oo lagaga hortagayo faafitaanka Cudurka Covid-19 uu ku dhoawaaqay Jimcihii in lagu soo rogay isu-socodka dalka, iyadoo shacabka la siiyey keliya laba saacadood oo ogeysiis ah.

Go’aankaas ayaa sababay in kumannaan Qof ku cararaan Suuqyada magaalooyinka Turigkiga, taas oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada iyo inaan Dadku guryaha ka soo bixin ee dowladdu hore u soo rogtay.

Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara, ayaa buuxsamay, ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo Dadku u galay Dukaamada cuntada, Baananka iyo goobaha kale ee laga adeegto.

Wasiir Sulayman Soylu oo ka jawaabaya jahwareerka go’aanka uu shaaciyey ka dhashay, ayaa sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu amray Madaxweynaha Turkigu.

Hase yeeshee, wasiirka arrimaha gudaha oo da’diisuna konton sano jir tahay, ayaa Axaddii aqbalay mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan ku dhawaaqistiisu sharci-jebinta iyo is-buurashada dhaliyey, taasoo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga Mr. Erdogan, ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu u gudbiyey, waxaanu Madaxweynuhu si kooban u yidhi; “Wasiir Sulayman wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa shaqo.”

Jahawareerkaas iyo is-cidhiidhiga ay la kulmeen Shacabka Turkigu, ka dib waxa dhaqangashay Bandoodaas, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka Turkiga oo lagu tilmaamo Dad sharciga iyo kala damaynta dowladnimo aad u ixtiraama.

Dalka Turkiga waxaa laga xaiqijiyey in Cudurka Covid-19 ku dhacay 57,000  oo Qof, halka ay u dhinteen Dad ka badan 1,200 oo Qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Turkigu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.