“Markabka marka Rarka laga Dejiyo ma tegi doono ee wuu Xayirnaanayaa illaa intuu..” Maareeyaha Dekedaha Somaliland

Berbera(Aftahannews):- Markab muddo laba toddobaad ku dhaw ku xannibnaa duleedka Dekedda Berbera oo maamulka Dekedda ee Shirkadda DP World diidday inay ka dejiso shixnadda saaran, ayaa xalay lagu soo xidhay Dekedda, isla markaana la bilaabay dejinta Badeecadaha uu u siday Somaliland.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo Warbaahinta kula hadlay Berbera Isniintii maanta, ayaa sheegay in Markabka Badeecadaha saaran uu isagu amray in laga dejiyo, ka dib markii uu muddo badweynta taagnaa, arrintaas uu sababay khilaaf ka dhex-taagan Wakiilka Markabkaas iyo Maamulka Shirkadda Dekedda Maamusha ee Dp world.

Hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaan weli khilaafka laga heshiinnin, isla markaana marka Shixnadda uu sido laga dejiyo Markabkaasi aan la rari doonin, noqonna doonin ee uu Berbera ku xayirnaan doono illaa inta uu bixinayo Lacagta lagu lahaa ee Adeegga Dekedda oo bixinteeda laysku diiday.

“Markabku wuxuu Badweynta taagnaa muddo ka badan 12 cisho, sababtuu u taagnaana waxa weeye xisaabaad baaqi ku ah shaqooyinkii hore loogu qabtay Shirkadda Pacific International Lines (Pil), taasoo loo sheegay inaan loo shaqaynayn inuu lacagtaa bixiyo (Markabku), welina aanu bixin.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Maareeye Siciid Xasan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, Annaga oo eegayna dhawaaqa ka soo yeedhay ganacsatada Somaliland ee Markabkani u raran yahay, waxaannu go’aansannay dowlad ahaan inaan Markabka Dekedda ku soo xidhno oo Dadkaa ganacsatada ah ee Reer Somaliland ee noolkoodii iyo cashuurtoodiiba bixiyey in loo rogo ganacsigooda oo aan lagu ciqaabin dembi aanay shaqo ku lahayn, waana taa la rogayo.”

“Markabku marka rarka laga dejiiyo, lama saarayo Koonteennarada faaruqa ah (madhan), waxaannu dhigaynaa Badda, halkaas ayaanu ku xayirnaanayaa inta uu bixinayo Lacagtii lagu lahaa ee laga doonayey.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Waxa uu Maareeye Siciid sheegay inuu ka xun yahay in arrintani dhacdo, iyadoo Shirkadda Pil ah mid ay muddo dheer soo wada shaqaynayeen, balse waxa uu xusay in adeegga kharashka Dekedda haddii la waayo aanay waxba soconayn.

Haddaba, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo arrimahaas faahfaahinaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.