Somaliland: Tirada Dad Cusub oo laga Helay Cudurka Covid-19 iyo Baaq Bulshada loo Diray

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa Shaaciyey in Saddex Qof oo Cusub laga helay Cudurka Dunida Ku Faafay ee Covid-19, kuwaas oo ku Kala Sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Saddexda Qof ee Wasiirku sheegay in laga helay Xanuunka, ayaa ka mid ah 24 Qof oo baadhitaankooda laga sugayey dalka dibeddiisa oo loo diray dheecaannada looga baahnaa. Hase-yeeshee, ma sheegin Wasiirka Caafimaadka Somaliland in 21-ka Qof ee kale ee baadhitaankooda la sugayey laga soo waayey Covid19 iyo kale, balse waxa uu xusay in laba Kiis oo kale ay wadaan baadhitaankooda.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu intaas ku daray in illaa hadda tirada la sugayey in xanuunku hayo ay noqonayaan shan qof oo kala ah saddexda Isniintii maanta uu Warbaahinta la wadaagay iyo laba Kiis oo hore oo ku kala sugan Berbera iyo Burco, isagoo xusay in caafimaadkooda guud fiican yahay shanta ruuxba.

Haddaba, Wasiirku hadalka uu Warbaahinta siiyey oo dhammaystiran iyo weliba farriimo uu Bulshada u diray, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.