Wasiir Soomaaliya ugu Dhintay Covid-19, Tirada Korodhay, Bilawga Bandooda iyo Baaqa Caafimaadka

WASIIR SOOMAALIYA UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020
WASIIR SOOMAALIYA UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin, ayaa Axaddii Muqdisho ugu geeriyooday Cudurka Covid-19 oo asiibay, sida ay xaqiijisay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

WASIIR SOOMAALIYA UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020
WASIIR SOOMAALIYA UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020

Allaah ha u naxariistee Marxuumka, ayaa ka mid ahaa laba Bukaan oo ay Wasaaradda Caafimaadka federaalka Soomaaliya sheegtay inay xaaladdoodu aad u liidato. Dhowr maalmood ka hor, ayaa la dhigay Cusbitaalka, isagoo ka mid ahaa 9 Qof oo cudurka laga helay.

Waxaanu inta Wasaaradda Caafimaadku xaqiijisay uu noqonayaa Qofkii labaad ee loo diiwaangelyo inuu Covid-19 ugu geeriyooday gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waana masuulkii koowaad ee Soomaaliya la sheego inuu xanuunkaas u dhintay.

WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA FOWSIYA ABIIKAR NUUR 2020
WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA FOWSIYA ABIIKAR NUUR 2020

Tirada Dadka u soo dhacaya Cudurka Corona-virus Magaalada Muqdisho, ayaa korodhay, waxaanay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur, sheegtay Axadda in 4 Qof oo cusub laga helay Covid-19, kuwaas oo tirada guud ee Dadka xanuunku hayo Soomaaliya ka dhigaysa 25 Ruux oo laba ka mid ahi u geeriyoodeen xanuunkaas.

Foosiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, waxa kale oo ay sheegtay in Dadka ugu geeriyooday Soomaaliya ay yihiin laba Ruux, isla markaana midkood yahay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle, kaas oo sidoo kalena ahaa Wasiirkii Cadaaladda ee Hirshabeelle.

Wasiirka Caafimaadku waxay Bulshada Soomaaliya ugu baaqday inay qaataan amarrada dowladda iyo farriimaha caafimaad ee loo gudbinayo, isla markaana joojiyaan isu socodka, is-dhex-galka iyo is-diidsiinta xanuunka Covid-19.

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Booliska federaalka Soomaaliya, ayaa ku Shaaciyey in Bandoo habeenkii ah oo ka bilaabmi doonta magaalada Muqdisho saacaddu markay tahay  tahay 8.PM – illaa 5.AM (8da ahbeennimo illaa 5ta subaxnimo), taasoo si rasmi ah u dhaqangeli doonta 15-ka bishan April 2020 oo ku began Arbacada toddobaadkan.

Cudurkan oo bishii 11-aad ee 2019-kii ka bilaabmay magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha, ayaa ku faafay Dunida oo dhan, isla markaana tirada guud ee uu ku dhacay Adduunka ayaa maraysa hadda 1,847,095, hala ay u dhinteen 113,902, waxaana ka bogsooday amma ka ladnaaday xanuunka 422,488, balse waxa weli uu ku sii faafayaa Dadka dalalka Caalamka oo dhan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.