Abdul Majed: 45 Sano ka dib baa loo Qisaasay Dilka Madaxweynihiisii uu Khaarajiyey!

Bangla-Abdul-Majid-Hanged aftar 45 years
Bangla-Abdul-Majid-Hanged aftar 45 years

Dhaka(Aftahannews):- Sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada dalkaasi Bangladesh ayaa dil lagu fuliyay, isagoo loo haystay dilkii Madaxaweynhihii ugu horreeyay dalkaasi sannadka markuu ahaa 1975.

Bangla-Abdul-Majid-Hanged aftar 45 years
Bangla-Abdul-Majid-Hanged aftar 45 years

Abdul Majed ayaa toddobaadkan lagu deldelay caasimada Dhaka ka dib markii la diiday codsigiisa ku aaddan xukunka la xukumay. Waxaa la xiray Talaadadii ka dib 25 sannadood oo uu ka baxsanayay xukunka dilkii Sheikh Mujibur Rahman.

Mujibur Rahman waa aabaha dhalahy raysal wasaaraha dalkaasi Bangladesh ee haatan Sheikh Hasina, waxaana la dilay xilligii afgambigii militariga ee 1975, isaga iyo weliba qaar kale oo ka tirsanaa qoyskiisa. eerida Sheikh Mujibur Rahman ayaa timid afar sano un ka dib markii dalkaasi Bangladesh xornimada ka qaatay Pakistan.

Masjed ayaa gudaha dalkaasi ku sii noolaa dilka madaxweynaha ka dib, balse waxaa la aaminsan yahay inuu dalkaasi Hindiya u cararay sannadkii 1996-dii oo ahayd xilligii raysal wasaaraha loo doortay Sheikh Hasina. Dowladdeeda ayaa gaashaanka u daruurtay sharci difaacayay dambiileyaashii dilay aabeheed. Masjed iyo tobaneeyo kale oo ka tirsanaa milatariga dalkaasi ayaa sannadkii 1998 dil lagu xukumay.

Maxkamadda ugu sarreyso dalkaasi Bangladesh ayaa 2009-kii taageertay xukunkaasi, waxaana shan ka mid ah dambiileyaasha la dilay xilligaasi. Masjed ayaa la xiray ka dib markii uu dalka dib ugu soo laabtay bishii aynu soo dhaafnay.

Xigasho BBCSomali.com.