Isbitaalkii Adeega Cafimaadka Dalka Somalia Oo Laxidhay

Waxaa goor dhow albaabada la’isugu laabay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka faafa ee Corona,

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya la joojiyey qaabilada bukaanada imaan jiray isbitaalkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay furan tahay kaliya qeybta gurmadka deg-deg ah ee loogu tala-galay dadka dhaawacyada ah iyo haweenka foosha ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay isbitaalka, islamarkaana la karantiilay dhaqaatiir, shaqaale iyo howlwadeeno ka tirsan isbitaalka Digfeer, kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey cudurka halista badan ee Coronavirus.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 xaaladood oo Fayruska Corona ah oo saddex ka mid ah dadka laga helay ay ka howlgalayeen isbitaalka Digfeer.

Cabsida laga qabo faafida COVID-19 ee Soomaaliya ayaa sii kordheysa marba marka ka dam
beysa, iyadoona dowladda federaalka ay wado dadaallo lagu xakameynayo cudurka.