Somtel iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Daahfuray Adeegga Barashada Qur’aanka ee Subcis

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Shirkadda SOMTEL oo Daahfuray Adeegga SUBCIS 2020
Shirkadda SOMTEL iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo oo Daahfuray Adeegga SUBCIS 2020

Hargeysa(aftahannews):- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somtel oo kaashanaysa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Daah-furtay Adeegga cusub ee SUBCIS, kaas oo ah Adeeg si sahlan Macallimiinta Maddarasaduhu ay Ardayda Qur’aanka ugu bari karaan iyagoo jooga Guryohooda, isla markaana aan u baahnayn in Internet loo isticmaalo.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Shirkadda SOMTEL oo Daahfuray Adeegga SUBCIS 2020
Wasaaradda Diinta iyo Shirkadda SOMTEL oo Daahfuray Adeegga SUBCIS 2020

Barnaamijkan barashada Qur’aanka ee Subcis, ayaa muhiimad gaar ah u yeelan doona Maddarasadaha Qur’aanka, Macallimiintooda iyo Ardayda Qur’aanka barata, maaddaama oo ka hortagga Cudurka Dunida saameeyey ee Covid-19 awgii loo fasaxay guud ahaan goobaha waxbarashada Somaliland 19-ka bishii Maarso ee 2020-ka.

Munaasibadda Barnaamijkan lagu daahfuray oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee magaalada Hargeysa, ayey ka qaybgaleen Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, Masuuliyiinta Shirkadda Somtel, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddarasadaha Qur’aanka ee Hargeysa qaarkood, Madaxda Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku midaysan yihiin iyo Culimo kale.

Madaxa Suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Cabdirahman Cabdillaahi, ayaa sharraxay adeeggan Cusub, waxaanu sheegay inaan adeeggani internet u baahnayn ee uu yahay mid si sahlan looga baran karo Qur’aanka kariimka ah.

Suldaan Sheekh Axmed oo ah Maamulaha Maddarasadaha Aflax ee magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweeyay adeeggan cusub. Sidoo kale, Maamulaha Maddarasadda Daaru-tarbiya Sheekh Cabdirahmaan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu adeeggan Subcis tijaabiyay toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaanu ka warramay sida uu ku yimi Adeeggan Subcis iyo faa’iidada uu leeyahay ay tijaabiyeen.

Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlay afka Maddaariista Quraanka Kariimka ah lagu barto, ayaa ku ammaanay dhiirrigelinta Qur’aanka doorka ay ka qaataan Shirkadaha Dahabshiil group.

Guddoomiye Ku-xigeenka Shirkadda Somtel Cabdinaasir Daa’uud oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey muhiimadda adeeggani u leeyahay Maddaariista, Macallimiinta Dhiga iyo Ardayda Qur’aanka barataba.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa soo dhaweeyey adeeggan, waxaanu sharraxay doorka uu buuxin karo, isla markaana waxa uu u mahad-celiyey Shirkadda Somtel oo ka mid ah Shirkadaha Dahabshiil group.

Gebo-gabadii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo munaasibadda adeeggan lagu daahfuray soo afmeeray, ayaa ka warramay Taariikhda Bahda Qur’aanka iyo doorka Dahabshiil Group ka qaataan dhiirrigelinta Qur’aanka, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in adeeggani wax wayn uga dhigan yahay Wasaaradda Diinta , Bahda Maddaariista iyo Ardayda Qur’aanka barata ee Fasaxa guud ee waxbarashada laga galay saameeyey.

Xogta aad uga baahantay adeeggan cusub ee Subcis ee loogu talo-galay barashada Qur’aanka Kariimka ah oo faahfaahsan iyo hadallada Masuuliyiinta iyo Xubnaha kale halkaas ka jeediyeen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.