Sheekh Maxamed Macallin oo Gabay Cajiib ah Ka Tiriyey Covid-19 (Laama-saaskani Alloow Yuu Na soo Marin..”

Hargeysa(AFNS):- Sheekh Maxamed Macallin Aadan oo ah Agaasimaha Waaxda Masaajiddada iyo Maddarasadaha ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Gabay ka tiriyey Cudurka Dunida saameeyey ee Covid-19.

SHEEKH MAXAMED MACALLIN AADAN OO GABAY KA TIRIYEY COVID-19
SHEEKH MAXAMED MACALLIN AADAN OO GABAY KA TIRIYEY COVID-19

Gabaygan cusub ee Sheekh Maxamed tiriyey oo Hal-ku-dheggiisu yahay; “Allahayoow Laama-saaskani Annaga yuu na soo marin..” Waxa uu kula hadlayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ku guubaabinayo inay qaataan awaamiirta Dhakhaatiirta iyo dowladda, sidoo kalena ku sharraxayo tallaabooyinka la qaaday intooda muhiimka ah iyo weliba horusocoshada, isku wadista Shacabka iyo jiidista Dadka danyarta ah, duco iyo dardaaran guud.

Haddaba, Gabaygaas uu Sheekh Maxamed Macallin Aadan oo la duubay 9-ka bisha April 2020, waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.