Biixi, Cirro, Faysal, Saleebaan iyo Baashe oo ka Hadlay Arrimo Xasaasi ah & Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxda Somaliland oo sheegay inaan wadahadal lala furayn Soomaaliya wakhtigan 2020
Madaxda Somaliland oo sheegay inaan wadahadal lala furayn Soomaaliya wakhtigan 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,  Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa maanta si wada-jir ah shacabka ula hadlay, waxana ay si hufan oo xeeldheer uga hadleen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo cidda xaqa u leh inay ka hadasho, iyaga oo sidoo kale bulshada u diray fariimo cadcad oo la xidhiidha badbaadada xanuunka COVID-19.

Madaxda Somaliland oo sheegay inaan wadahadal lala furayn Soomaaliya wakhtigan 2020
Madaxda Somaliland oo sheegay inaan wadahadal lala furayn Soomaaliya wakhtigan 2020

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka ugu sarraysaa waxa ay ugu horrayn  bulshada ugu baaqeen inay qaataan awaamiirta iyo soo jeedimaha guddigga ka hortagga xanuunka covid-19, islamarkaana ka fikiraan badbaadooda iyo midda shacabkaba, iyaga oo sidoo kale digniin u diray salaadiinta iyo madax-dhaqameedka maalmahan ku dhiirranaya inay  ku mashquulaan ka hadalka arrimaha siyaasadda oo ay bulshadu cid gaar ah u igmatay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka hadlay shirka jaraa’id ee madaxda qaranku ku qabteen xarunta madaxtooyada, ayaa shacabka usoo jeediyey inay si dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka covid-19, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabiga waxannu usoo jeedinaynayaa inaynu u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa, waddama aynnu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana halla qaato, xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku milmay, waxana uu usoo jeediyey inay muhiimad gaar ah siiyaan beelaha ay metelaan, waxana uu yidhi  isaga oo arrimahaas ka hadlaya  “Salaadiinta waxannu leenahay salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqay jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyey codsiga axsaabta mucaaridka ah iyo madaxweynaha oo isku duubani golaha wakiillada u gudbiyeen ee nuxurkiisu yahay in mar kale golaha lagu soo celiyo labadii xubnood ee ay hore kalsoonida ugu diideen, waxana uu yidhi, “Goluhu waa xor oo wuu madax-bannaan yahay, laakiin waxannu tixgelinaynaa xisbiyada, madaxweynaha iyo talada odayaasha, goluhuna markuu fasaxa kasoo noqdo, haddii labadii  hore la keenayo iyo haddii labo cusub la keenayoba golaha wakiilladu diyaar bay u yihiin in labadii xubnood la keeno, komishankuna inoo dhammaystirmo.”

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,”

Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan, waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay, “Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha  iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu horrayn shacabka uga mahadnaqay sida ay ugu dhego-nuglaadeen waanooyinkii ay soo jeediyeen guddida ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19,  waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa caddeeyey maqifka Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho dhiggeeda Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay in fagaare loo wada dhan yahay lagu garnaqsado, “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu meesha ka saaray tashuushka iyo hadallada sida habaqlaha ah bulshada loogu dhex tuuray ee la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo shakhsiyaad gaar ahi sheeganayaan inay u tafo xaydatay ka midho dhalintiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”

Madaxda dhaqanka, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu usoo jeediyey inay u diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhasha dariiqyada qalloocan ee ay marayaan, “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo  suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi  Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu xil weyn iska saaray ilaalinta midnimada iyo isku duubnida qaranka, islamarkaana uu shir-guddoonka wakiillada ka codsaday in dib loogu soo celiyo xubnihii mucaaridku usoo magacaabeen Komishanka ee hore kalsoonida u waayey, waxana uu yidhi,“Waannu is aragnay labada shir-guddoon arrintaasna waannu ka wada-hadalnay, waxannu isla afgaranay in marka goluhu fasaxa kasoo noqdo aan kusoo celiyo labadii ay soo celiyeen, una waayo sheeganno golaha oo aannu u bandhigno sababta loogu baahan yahay inaynnu sii deyno, maanta midnimaynnu doonaynaa khilaaf ma rabno, khilaaf dheer oo laba sano ah baynnu kasoo baxnay, colaad baa ina haysa oo waakan cadowgu dusheenna wuxuu doono kaga hadlaya ee inoo tashana, xanuunkanaa ina haya  oo midnimo u baahan.”

Ugu dambayntii Madaxda kala duwan ee Qaranka ugu sarraysaa waxa ay si wada-jir ah ugu mahadnaqeen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo shixnado agabka lagaga hortaggo ah xanuunka COVID-19 usoo diray Jamhuuriyadda Somaliland.

Muuqaalkan hoose kaga Bogo Hadallada Masuuliyiintan dhinacyada kala duwan kaga hadlay shirkooda Jaraa’id, ka bogasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.