Imaaraadka Carabta oo Deeq Agab Caafimaad ah Soo Gaadhsiisay Somaliland iyo Puntland

DIYAARADDA IMAARAADKA CARABTA EE DEEQDA CAAFIMAAD SOO GAADHSIISAY SOMALILAND 2020
DIYAARADDA IMAARAADKA CARABTA EE DEEQDA CAAFIMAAD SOO GAADHSIISAY SOMALILAND 2020

Hargeysa/Boosaaso (aftahannews):- Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa Deeq agab kala duwan oo caafimaad ah ugu deeqday Somaliland iyo Puntland, waxaanay Diyaarado Imaaraadku leeyahay oo Deeqdaa siday ka degeen Arbacada maanta Madaarrada magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso.

DIYAARADDA IMAARAADKA CARABTA EE DEEQDA CAAFIMAAD SOO GAADHSIISAY SOMALILAND 2020
DIYAARADDA IMAARAADKA CARABTA EE DEEQDA CAAFIMAAD SOO GAADHSIISAY SOMALILAND 2020

Masuuliyiinta Somaliland iyo Puntland, ayaa ka mahad-celiyey Deeqda agabka caafimaad ah ee ay dowladda Imaaraadka Carabtu soo gaadhsiisay, iyagoo sheegay inuu muhiim u yahay agabkani wakhtigan lagu jiro xaaladda gadoonka Cudurka Covid-19 ee Dunida saameeyey awgii.

Subaxnimadii hore ee Arbacada maanta, ayaa Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ay ka soo degtay Diyaarad nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Imaaraadka, islamarkaana sidday mucaawino caafimaad oo isagu jirta Dawooyin iyo qalab lagaga hortago xanuunka Covid-19.

Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta oo Xubno ka ah Guddiga ka hortagga Covid-19 ee Somaliland, ayaa Madaarka oo ay Deeqdaas ku guddoomeen Warbaahinta kula hadlay, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen Agabka caafiamad ee ay soo dhiibtay Dawladda Imaaraadka Carabtu uga mahad-celinayaan.

Wasiirrada, ayaa sheegay inay Imaaraadku tahay dowladdii ugu horraysay ee Somaliland soo gaadhsiisa gurmad caafimaad, wakhti dalalka Adduunku iska kala gadoomay oo aan dal dal kale awoodin inuu caawiyo amma u gurmado, taasna ay ku faraxsan yihiin inay Dowladda Imaaraadku walaalohooda Somaliland caawimadan soo gaadhsiiso, ugana mahadcelinayaan.

Geesta kale, Diyaarad sidday gargaar isugu jira Dawo iyo Agabka Caafimaadka ee kuwa gacmaha iyo afka lagu xidhaa ka mid yihiin, gaadhsiisay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee Puntland.

Masuuliyiinta Caafimaadka iyo ka-hortagga Cudurka Covid-19 u qaabbilsan Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa Madaarka ku qaabbilay, isla markaana kula wareegay Deeqdaas agabka iyo dawooyinka caafimaad ah ee Imaaraadku ugu deeqay.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadannimo ee ay nasoo gaadhsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay. Waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, oo Deeqdaas kaga hadlay Qoraal lagu baahiyey Bayjka Facebook ee Madaxtooyada Puntland.

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa heshiisyo kula jirta, isla markaana xidhiidh dhaw la leh Somaliland iyo Puntland, waxaanay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World maamushaa Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Puntland oo ay dowladuhu la galeen heshiisyo dhigaya inay gacanta ku hayso labadaas dekadood min soddon sannadood.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.