Urur-goboleedka IGAD oo Lacag Qayb ka ah La-dagaallanka COVID-19 Ku Wareejiyey Dowladda Soomaaliya

IGAD AND SOMALIA 2020
IGAD AND SOMALIA 2020

Muqdisho(Aftahannews):- Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa shalay ka guddoomay jeeg ay ku qoran tahay 100,000 doolar Jamaal Axmed, oo sarkaal sare oo isku-xidhe ka ah Xafiiska IGAD ee Muqdisho.

IGAD AND SOMALIA 2020
IGAD AND SOMALIA 2020

Waxay Kaalmadaas lacageed tahay hindise iskuduubni oo ka timid shaqaalaha urur goboleedkaasi oo ay ku garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dagaalkeeda ka dhanka ah Karoona feyrus oo loo soo gaabiyo magaciisa COVID-19.

IGAD waxa ay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka qeybqaadashada dedaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta Muwaadiniinta IGAD.

Xanuunka Covid-19 iyo Muujinta taageero garab-istaag u ah waddamada gobolka, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha Ururka si siman amma isku mid ah loo gaadhsiiyey Dalalka Dowladaha Urur-goboleedka IGAD ku midoobay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.