Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka Hadlay Awoodda Maddaariista Xilliga Fasaxa, Baaqna u Diray Bulshada

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2020

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay inaanay Maddarasadaha Diiniga ahi awoodin inay hab online ah Ardayda ugu wadaan Waxbarashada inta lagu jiro Fasaxa Xukuumaddu Amartay in laga galo goobaha Wax-barashada, si looga hortaggo faafitaanka Cudurka Dunia Sadheeyey afartii bilood ee ugu dambeeyey ee Covid-19.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2020
WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2020

Wasiir Khaliil waxa uu Waalidiinta Carruurtoodu dhigan jireen Maddaariista Diiniga aha u soo jeediyey inay dib u eegaan Macallimiinta Ubadkooda, maaddaama oo ay Macallimiinta Maddarasaduhu ka mid yihiin Dadka ugu hooseeya dhinaca dhaqaalaha, isla markaana ay yihiin Dad Diinteenna Suubban Ubadka ku barbaariya oo aan dakhli ku filanna helin.

“Macalimiintii Qur’aanka waxaan uga mahad-naqayaa siday u qaateen soo jeedintii iyo Carruurtii laysu keenayay, iyadoo laga cabsi qabay Coronavirus inuu innoo dhex raaco. Markaa, waxaan ugu baaqayaa Waalidiinta in macalimiintu maadaama ay yihiin kuwa xagga dhaqaalaha ugu liitay Bulshada oo xaaladdana soo waajahaday, sidaa awgeed maadaama ay xaaladdan soo korodhay, iyagoo 19 maalmood wax soo dhigayay oo aan wax mushahar ah qaadan, markaa waxaan ku waaninayaa waalidiintii leeyahay waa in wixii ay soo shaqaysteen la siiyo oo weliba loo wefeeyo.” ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Wasiirka oo ka hadlayey siday u adagtay in online Ardayda Maddaarista wax lagu baro, waxa uu yidhi; “Carruurtii Malcaamadaha iyo Maddaarista ku jirtay lama hayo qaab Online ah oo waxbarashadii loogu sii wadi karo, sababtoo ah ma hayno Internet, waxaana kala duwan casharradooda. Laakiin, Wasaaradda waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa Ardaydii lagu baraa maqal iyo muuqaal, waxaana la mariyey Telefishanda.”

“Balse, markaan Macallimiintii Quraanka dhinac walba wax iskala eegnay, waxa caddaatay in Ardayda Maddarasadaha aan la hayn qaab wax lagu baro oo online ah, maaddaama oo casharrada ay qaadanayaan kala duwan yihiin oo midba meel marayo, sidaa awgeed waa inay Waalidiintu guryaha ugu dhigaan Carruurta si aanay u illaabin Qur’aanka.” ayuu yidhi oo hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Sheekh Khaliil, wxuu sheegay inuu ka warqabo xaaladdaha iyo duruufaha ay sababeen shaqooyinkii oo istaagay, sidaa awgeed wuxuu u soo jeediyay Bulshada inay isku duubnaadaan oo la soo celiyo is taakulayntii iyo Miskiin kalkaalkii, isla markaana loo naxariisto dadka jilicsan ee u baahan caawimada, si Allaah innoogu naxariisto.

Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Bulshada ugu baaqay inay Alle ka cabsiga badiyaan oo ay Illaahay isku xidhaan, isla markaana akhristaan ducooyinka nabaaddiina-xidhka ah, isla markaana la qaato talooyinka Guddiga iyo Culimada ee ku waajahan ka hor-tagga caabuqa Coronavirus oo ah dhibaato dunida ku baahday oo uu Wasiirku ku tilmaamay in Illaahay innagu tusayo awooddiisa iyo inuu maamulo koonka aynu ku noolnahay.

“Sidaa awgeed, waa inaynu Illaahay awaamiirtiisa u hoggaansanaa,” ayuu yidhi Wasiir Khaliil. Waxaanu Bulshada Somaliland Allaah uga baryay in aanu xannuunkaa u keenin oo ka xijaabo, Ummadaha kalena ka duqaado dhibaatada COVID-19 ee dunida ku baahday.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo qodobbadaas iyo kuwo kale oo wacdi, waano, baraarujin iyo wax sheegmo ah oo uu Bulshada u dirayba ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Goobaha kala duwan ee Waxbarashada Somaliland, ayaa Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Cudurka Corona-virus Covid-19, waxay amartay in laga bilaabo 19ka bishii Maarso la fasaxo guud ahaan Waxbarashada dalka, si loo yareeyo isu-imashada qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaanu go’aankaasi u dhaqan-galay sidii ay Guddigu ugu talo-gashay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.