Xukuumadda Somaliland Maxay ka tidhi Joojinta Qaadka iyo Diyaaradda Itoobiya oo Halistooda laga Dayriyey?

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay wakhtigan suuragal u ahayn go’aan toos ah oo ay ku joojin karaan Diyaaradda Ethiopian Airlines iyo Qaadka Itoobiya, iyagoo Qaadka iyo Diyaaradduba si toos ah u yimaadda gelin kasta Hargeysa iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo xubin ka ah Guddiga ka hor-tagga Cudurka Corona-virus ee Somaliland, ayaa ka jawaabay su’aalo ay Xubno ka socday Ururrada Bulshada oo kulan ay Guddigu la yeesheen Sabtidii maanta, ayaa sheegay in Diyaaraddu soo qaaddo Dad reer Somaliland ah oo qurbaha ku sugan

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay habboontay in qaadka la joojiyaa, balse ay doonayaan inaanay qaadka amar hal mar ah ku joojin, balse ay u qorshaysan tahay inay la kulmaan Guddi ahaan Ganacsatada Jaadka keena Somaliland iyo ka wacyigelinta bulshada.

Haddaba, Wasiir Maxamed Kaahin oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya warkiisa, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.