Immisa ayey Maraysaa Tirada Dadka Covid-19 laga helay Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Dunida-ba?

COVID19 2020.png
COVID19 2020.png

Djibouti(Aftahannews):- Tirada Dadka uu Cudurka Corona-virus Covid-19 ku dhacay ee Dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa kordhay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxaana waddankasta kor u kacday tirada Dadka la diiwaangeliyey ee xanuunka laga helay iyo kuwa laga shakisan yahay ee baadhitaannada loo diray.

COVID19 2020.png
COVID19 2020.png

Saalax Buniita Turaab oo ah Xoghayaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa Jimcihii 3-da bisha April 2020, Warbaahinta dowladda u sheegay in 9 Qof oo cusub laga helay Covid-19, sidaana tirada Dadkuu ku dhacay Jabuuti ku noqonayso 49 Ruux.

“Wasaaradda Caafimaadku waxay baadhitaanno caafimaad u samaysay 162 Qof,  calaamadaha cudurka Covid-19 waxa laga helay 9 qof, kuwaas oo lix ka mid ahi ay dad hore xanuunka looga helay oo ay la kulmeen ka qaadeen. 11 Qof ayaa Dhakhtar lagu hayaa oo laga baadhi doono xanuunkaas.” Sidaa ayuu yidhi Saalax Buniita.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti waxa uu intaas ku daray oo sheegay in Lix Qof ay Xanuunka ka bogsadeen, kuwaas oo lagu hayey Cusbitaal ku yaalla gobolka Carta, halka ay horena laba ruux uga soo kabteen, iyadoo tirada Dadka dhakhaatiirtu baadhitaannadii u dambeeyey ay ka waayeen xanuunka ee ay sheegeen inay caafimaadeen dalka Jabuuti ay noqonayso 8 Qof oo ka mid ahaa 49 Qof ee uu cudurka laga helay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Hal Qof oo Ajaanib ah, ayaa xanuunka laga helay Jimcihii maanta, sida ay Guddiga ka hortagga Corona-virus Covid-19 ee Soomaaliya warbaahinta u sheegeen maanta. Qofkaas ajaanibka ah, ayaa tirada guud ee Dadka cudurka laga helay dalka Soomaaliya ka dhigaya 5 Qof, kuwaas oo laba ka mid ahi ajaanib yihiin, halka ay 3-da kalena Soomaali yihiin.

Halka marka lagu daro laba Qof oo Somaliland 31-kii March xaqiijisay inay laba Qof oo midkood China u dhashay, midna Somaliland ka heshay Covid-19, waxaana Somaliland iyo Soomaaliya Dadka laga helay xanuunka noqonayaan 7 Qof, iyadoo ay intaa dheer yihiin illaa labaataneeye kale oo Karantiin ay sheegeen labada dolwadood in lagu hayo baadhitaannadooda la sugayo.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa iyaduna isla Jimcihii 3-da April xaqiijisay inay heshay lix qof oo cusub oo cudurka Covid-19 laga helay, kuwaas oo tirada guud ee dadka xanuunkaas laga helay dalka Itoobiya ka dhigaya 35 Ruux sida ay Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya sheegtay.

Dalka Kenya, Tirada Dadka uu ku dhacay Covid-19, ayaa Jimcaha 3-da April gaadhay 122 Ruux, ka dib markii lagu daray 12 kiis oo cusub oo isla Jimcaha laga helay xanuunka, halka ay Dadka qaar u dhinteen, kuwaas oo uu ku jiro wiil yar oo lix sano jir ahaa, kiisaska Coronavirus ee Kenya.

Guud ahaan Dalalka Dunida, ayuu ku fiday Cudurka Corona-virus Covid 19 oo dabayaaqada sannadkii hore ka bilaabmay magaalada Wuhan ee Shiinaha, kaas oo hadda keliya inta la sheegay ay ka fayoow yihiin illaa 18 dal oo qudha caalamka oo idil.

Tirada Dadka xanuunka laga helay Dunida, ayaa maraysa 1,095,653, halka inta u dhimatay gaadhay 58,809, waxa ka caafimaaday 228,199, sida ay tira-koobkooda caawa ee u dambeeyey ku xaqiijiyeen Jaamacadaha, Hay’adaha iyo Warbaahinta isu-xil-saaray diiwaangelinta iyo xog-ururinta Dadka uu saameeyey Cudurku guud ahaan caalamka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.