UCID oo ka Dayriyey Caafimaadka Gobolka Togdheer, Kana Digay Halista Diyaaradda iyo Qaadka Itoobiya

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee gobolka Togdheer, ayaa ka Dayriyey Xaaladda Caafimaadka ee Magaalada Burco iyo Gobolka Togdheer iyo guud ahaan Somaliland, isla markaana waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen in la joojiyo Diyaaradda iyo Qaadka Itoobiya ka yimaadda.

Waxay Masuuliyiinta UCID sheegeen in loo baahan yahay in dowladdu Xuduudeheeda guud ahaan xidho, isla markaana garato go’aanka dawladaha dunidu wada qaateen si ay u yareeyaan khatarta cudurka iyo faafitaankiisa, taasoo keliya lagu yarayn karo joojinta cid kasta oo dalka dibedda ka soo galaysa iyo wax kasta oo aan daruuru ahayn oo dibedda ka imanaya, iyagoo ku dooday haddii dibedda khatarta ka imanaysa la joojiyo iyo khatarta gudahana la koobi karo.

Haddaba, Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee gobolka Togdheer oo arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Shir-saxaafadeed ay Jimcihii maanta ku qabteen magaalada Burco, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.