Coronavirus: Musiibo Geerida Real Madrid Oo Markale Sii Socotay

Dalka Spain maalmihii ugu danbeeyay waxa uu noqday dalka labaad ee soo raacay Talyaaniga ee ay geeridu ka noqotay wax saacad walba ay tiro badan dhimanaysay kadib markii uu cudurka Coronavirus uu tirada dhimasada sare u dhaafiyay 10,000 kun oo qof.

Real Madrid waxay hore cudurka coronavirus ugu wayday mid ka mid ah madax waynayaasheedii laakiin marakle Real Madrid waxaa u soo yeedhay war kale oo naxdin leh iyada oo halyay kale oo kooxdeeda ka soo tirsanaa uu geeriyooday.

 

Real Madrid ayaa war rasmi ah ka soo saartay geerida halyaygii kooxdeeda ee Goyo Benito kaas oo kooxdeeda ka soo ciyaaray intii u dhexaysay 1969 ilaa 1982 kii.

Goyo Benito ayaa geeriyooday isaga oo 73 sano jir ah wuxuuna Real Madrid u soo ciyaaray 420 kulan iyada oo lagu xusuusto koobabkii badnaa ee uu Los Blancos la soo qaaday.

Magiciisa oo dhamaystirani waxa uu ahaa Gregorio Benito Rubio wuxuuna dhashay October 21,1946 kii wuxuuna xarunta da’yarta Real Madrid ku soo biiray isaga oo 16 sano jir ahaa laakiin waxa uu kooxda ku noqday halyay ayna Los Blancos ilaawi karin.

Gregorio Benito Rubio waxa uu Real Madrid kula soo guulaystay lix koob oo horyaalka La liga ah iyo shan koob oo Copa Del Rey ah.

Si rasmi ah looma shaacin in Gregorio Benito Rubio uu u geeriyooday cudurka coronavirus ee faraha baas ku haya dalka Spain laakiin waxaa la ogyahay in uu muddo ku jiray xaalad xanuun oo uu la jiifay.

Tirada dhimsada dalka Spain ee Coronavirus ayaa sare u dhaaftay 100,000 kun oo qof halka la diwaan galiyay in ka badan 50,000 kun oo dhimashada ah ee aduunka oo dhan iyada oo wali tiradani ay si hawli ah ku socoto.