Somaliland oo Dalka Ka Mamnuucday Diyaaradaha Fly Dubia iyo Air Arabia

Muqdisho (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Diyaaradaha Shirkadaha duullimaadyada ee Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay inaanay kasoo degi karin Madaarrada dalkeeda, sida laga soo xigtay Warqad qoraal ah oo ay Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland u gudbisay shirkadahaas.

Somaliland, ayaa diyaaradaha shirkadahaas ku eedeysay in ay u hoggaansameen amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Horn Cable TV oo soo xigtay warqad ay Hay’adda Duulista iyo maamulka Madaarradu u gudbisay shirkadaas, ayaa baahiyey in qoraalkaaslagu sheegay in shirkadahaas lagu war gelinayo in aanay soo caga dhiga karin garoomada diyaaradaha Somaliland illaa amar dambe.

Qoralka shirkadahaas Somaliland gaadhsiisay, ayaa la sheegay inaan si cad loogu shaacin sababta go’aankan ka dambeeysa ee rasmiga ah, balse ilo xog ogaal ah, ayaa warbaahinta qaar soo xigtay u sheegay in Xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya ka soo saartay duullimaadyada muddada lagu jiro ka hortagga faafaha dunida sadheeyey ee covid-19, kaas oo lagu hakiyey dhamaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, iyadoo markii dambena joojisay kuwii gudaha, si looga hor tago faafidda cudurka Coronavirus.

Labadaas shirkadood ee Fly Dubia iyo Air Arabia waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxuuna dalkaasi joojiyey dhamaan duullimaadyada  diyaaradaha rakaabka ah.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline aysan joojin oo weli ka degto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, halkaas oo ay keento rakaab kuwo kalena ay ka qaado, iyadoo inta badan isku socodkii dunida loo hakiyey cabsida sii kordheysa ee Coronavirus.

afthaaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.