Maxaa Kala Haysta Aragtida Al-Shabaab Ee Covid-19 Iyo Culimada?

Muqdisho (Aftahannews)-Culimaa’udiinka dalka Soomaaliya ee colaaddu halakaysay ayaa haatan safka hore ka galay dagaalka lagaga hortagayo fayraska coronavirus oo waxay isku dayayaan in ay buriyeen borobagaandada ururka Islaamiyiinta ah xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Ururka Al-qaacida gacansaarka la leh ee Al-Shabaab ayaa Muslimiinta Soomaaliya uga digaya in ay ka foojignaadaan cudurrada faafa ee coronavirus ka midka yahay, kaas oo ay sheegeen in ay fidinayaan “xoogagga Saliibiyiinta ah ee dalka ku soo duulay iyo dalalka kale ee gaalada ah ee taageerada siiyaa”.

Kooxda Al-Shabaab waxay gacanta ku haysaa qeybo ka mid ah koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, waana quwad cudud leh oo toban sano iyo dheeraad jirta.

In kasta oo illaa iyo hadda Soomaaliya laga helay dad faro ku tiris ah oo fayraska corona qaaday, maamulkana wuxuu aad uga welwelsan yahay in haddi cudurku ku fido dalka ay awood u yeelan waayaan wax ka qabashadiisa.

Qiyaastii 30 sano oo ay colaad ka jirtay dalka, waxaa ku burburay xarumihii caafimaadka. Boqollaal kun oo qof oo baro kacay ayaa xeryo ku wada jira, kuwaas oo aan badanaa helin saabuun iyo biyo toona haba yaraatee, sidoo kalena aan aqoon ba waxa uu yahay in dadku kala faalalaan.

Fariinta Al-Shabaab ka soo baxday waxay sii kordhinaysaa uun welwelka xukuumadda, maadaama ururku uu horjoogsan karo gurmadka hay’adaha gargaarka sidii waagii macaluushu dhacday 2010 – 2011 ee ay u dhinteen dad lagu qiyaasay 250,000 oo qof.