Xiddig Is-hortagay Dagaal Sokeeyo Oo Dalkiisa Ragaadiyey

Garoonka Al-Merrikh Stadium, oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn dalka Suudaan ee Omdurman, kama mid aha garoomada la isku ballansado ee ugu waaweyn caalamka. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sabab u noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xasuusta badan ee ciyaaraha qeyrul-caadiga ah ee kubadda cagta.

Taariikhdu waxay ahayd 8-dii bishii October ee sannadkii 2005-tii. Xisaabta usoo gudbitaanka Tartankii Koobka Adduunka ee 2006 waxay iska sahlaneyd. Haddii Cameroon ay ka guuleysato Masar waxay markoodii lixaad usoo bixi lahaayeen tartanka caalamiga ah. Wax walba oo intaas ka yar (oo ah barbarro ama guul darro ku dhacda Cameroon) waxay sahli lahayd in Ivory Coast, oo Suudaan la ciyaareysay, hal dhibic kaliyana dambeysay, ay usoo baxdo ciyaaraha Koobka Adduunka – waliba markii ugu horreysay.

Naaneysta “jiilka dahabiga ah” ayaa loo bixiyay kooxda xulka qaranka Ivory Coast ee ciyaareysay 2005-tii. Waxaa hoggaaminayay laacibka hadda sida weyn dunida looga yaqaanno ee lagu magacaabo Didier Drogba, waxaana ka barbar ciyaarayay Kolo Toure, Emmanuel Eboue iyo Didier Zokora, kuwaasoo dhammaantood ka ciyaarayay horyaalka Ingiriiska.

Yaya Toure, oo markaas ka tirsanaa kooxda Olympiakos ee ka dhisan dalka Giriigga ayaa isagana ka mid ahaa kooxda. Xulkan wuxuu ahaa midka loogu xiisaha badan yahay, looguna jecel yahay guud ahana qaaradda Afrika.

Inkastoo labo jeer ay kasoo guuleysatay Cameroon intii ay socdeen kulamada isreebreebka, wali waxay lahaayeen rajo galabtaas ay la ciyaarayeen kooxda Suudaan.

Laakiin, iyadoo kooxdan ay qarka u saarnaayeen inay taariikh cusub ka sameeyaan caalamka, haddana dalkooda hooyo wuxuu ku dhex jiray mugdi. Dagaal sokeeye oo ka billowday sanadkii 2002-dii ayaa kala qeybiyay waddanka oo idil. Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Laurent Gbagbo waxay ka talineysay dhinaca koonfureed halka koox fallaago ahna ay maamuleysay dhinaca waqooyi.