Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

Hargeysa (Aftahanews)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa Labada kiis ee Coronavirus ee deegaanadeeda ka heshay.

Somaliland ayaa sheegtay in talaabada ay dowladda Soomaaliya u aqoonsan weyday Kiisaskaasi, ay tusineyso heerka cadownimo ee ay u qabaan Somaliland.

Marwo Hinda Xersi Gaani, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, oo arrintaasi ka hadleysay ayaa ka dhawaajisay inaysan waxba ugu baahneyn dowladda federaalka.

Hindi Gaani ayaa sheegtay in Madaxda dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn Soomaalinimadu, maadama ay iska indho tireen xaalada cakiran ee reer Somaliland wajahayaan, sida ay hadalka u dhigtay Wasiiradu.