Xiddigga Kubbadda Cagta ugu Fiicnaa oo Lagu Kala Calaf-qaaday

Aftahannews Sports – Erayga GOAT oo laga soo gaabiyay xidiga taariikhda kubbada cagta abid ugu fiican ayaa sanadihii ugu danbeeyay ahaa mid si wayn ay taageerayaasha kubbada cagtu ugu adeegsanayeen ciyaartoyda ay taageerayaasha u yihiin ee ay u arkaan in ay shaqo layaableh qabtaan.

Laakiin codbixin maalmo socotay oo uu sameeyay wargayska Marca oo ay ka qayb qaateen taageerayaal badan oo aduunka ah ayaa lagu tartansiiyay ciyaartoy badan oo loo arkay in ay soo galayaan xidigaha taariikhda kubbada cagta ugu fiican.

Laakiin codbixintan waxay noqotay mid ciyaartoy badan oo meel fiican laga filayay ay ku hadheen wareega 16ka halka kuwo kale ay isla soo gaadheen finalka iyo codkii ugu danbeeyay ee lagu kala baxayay.

Cristiano Ronaldo ayaa finalkii xidiga taariikhda kubbada cagta abid ugu fiican waxa uu codkii la bixiyay ku garaacay Lionel Messi iyada oo la shaaciyay natiijadii ka soo baxday codbixintii waqti badan socotay ee uu wargayska Marca sameeyay.

Wareegii 16ka waxaa ku tartamayay 16 ciyaartoy oo magac wayn kubbada cagta ku soo yeeshay waxaana laga doonayay in 8 ay ka soo baxaan kuwaas oo ah kuwa codka ugu badan ka hela taageerayaasha kubbada cagta caalamka.

Lionel Messi ayaa cod layaableh oo boqolkiiba 78% ah waxa uu wareegii 16 aad ku soo jiidhay Ferenc Puskas halka isla wareegan uu Cristiano Ronaldo cod aan wax badan kaas Messi ka yarayn uu isna ku soo garaacay Paolo Maldini iyada oo Ronaldo uu wareegan helay cod u dhigmay boqolkiiba 73% halka Paolo Maldini uu urursaday boqolkiiba 27%.

Wareegii siddeeda waxa aiskugu soo baxay Lionel Messi, Alferdo Di Stefano , Ronaldo, Diego Maradona, Johan Cruyff, Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo. Halkan kaga bogo natiijadii codbixintii wareega 16 aad.

LIONEL MESSI (78%) vs (22%) Ferenc Puskas
Eusebio (17%) vs (83%) ALFREDO DI STEFANO
Franz Beckenbauer (17%) vs (83%) RONALDO
Michel Platini (8%) vs (92%) PELE
DIEGO MARADONA (60%) vs (40%) Ronaldinho
Lev Yashin (8%) vs (92%) JOHAN CRUYFF
ZINEDINE ZIDANE (82%) vs (18%) George Best
Paolo Maldini (27%) vs (73%) – CRISTIANO RONALDO

Wareegii siddeeda waxa uu markale Messi cod boxolkiiba 70% ah ku soo garaacay Alfredro Di Stefano oo helay boqolkiiba 30% kaliya laakiin Cristiano Ronaldo ayaa cod boqolkiiba 56% ah waxa uu ku reebay macalinkiisii Zinedine Zidane oo helay boqolkiiba 44%.

Wareegii afraad waxaa iskugu soo hadhay Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Diego Maradona iyo Ronaldo laakiin tartanka ayaa halkiisa ka sii socday. Halkan kaga bogo natiijadii codbixintii wareega siddeedaad.

LIONEL MESSI (70%) vs (30%) Alfredro Di Stefano
RONALDO (53%) vs (47%) Pele
DIEGO MARADONA (67%) vs (33%) Johan Cryuff
Zinedine Zidane (44%) vs (56%) CRISTIANO RONALDO

Wareegii afraad markale Cristiano Ronaldo ayaa cod boqolkiiba 59% ah ku reebay Diego Maradona oo helay 41% halka Lionel Messi uu soo khaarayay halyaygii reer Brazil ee Ronaldo wuxuuna Messi helay 52% halka Ronaldo uu urursaday cod dhan 48%. Halkan kaga bogo natiijadii wareega afraad.

LIONEL MESSI (52%) vs (48%) Ronaldo
Diego Maradona (41%) vs (59%) CRISTIANO RONALDO

Tartanki kaalinta saddexaad waxaa isku haleelay Ronaldo iyo Diego Maradona oo wareegii afraad lagu soo reebay laakiin Ronaldo ayaa 51% ku garaacay Maradona oo helay 49%.

RONALDO (51%) vs (49%) Diego Maradona

Ugu danbayn waxaa finalkii codbixinta xidiga taariikhda kubbada cagta abid ugu fiican iskugu soo hadhay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waxaana cod boqolkiiba 54% ah kaalinta kowaad ugu guulaystay Ronaldo halka Messi uu kaalinta labaad ku galay 46%. Halkan ka eeg natiijadii finalka codbixintan.

Lionel Messi (46%) vs (54%) CRISTIANO RONALDO

Haddaba akhriste, adiga ahaan miyaad taageerayaasha kubbada cagta ee codbixintan ka qayb qaatay ku raacsan tahay qaabka ay u soo kala reebeen 16ka shaqsi ee tartankan ku jiray?

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.