Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo Waadhadh looga diyaariyey Dadka u Soo Dhaca Covid-19

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland. ayaa qaar ka mid ah Waadhdhka Cusbitaalka guud ee Hargeysa u diyaarisay in la dhigo Dadka uu soo rito Xanuunka Dunida aadka ugu faafaya.

Xukuumadda ayaa Waadhadh ka mid ah Cisbitaalka guud ee Hargeysa ka joojisay in Dadka qaba xanuunnada kale ee lagu baxnaanin jiray, waxaana loo gaar yeelay oo loo diyaariyey Bukaannada Coronavirus, hadduu Somaliland ku sii faafo si loo dhigo.

Sarkaal ka mid ah Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Waadhadhkii kirada ahaa ee Cisbitaalka qaarkood laga joojiyey Dadkii laga kirayn jiray, taasina qayb ka tahay dedaalka Dalka oo dhami ugu jiro u diyaar-garowga Caabuqa Coronavirus ee keena Xanuunka Covid_19.

Ugu dambayn, Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Hal Maalin ka hor uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdillaahi uu shaaciyey in Magaalooyinka Burco iyo Berbera laga helay min hal Qof oo Qaba Xanuunka Covid_19.

Labada Qof ee xanuunka laga helay ayaa midkood u dhashay Shiinaha, halka ka kalena uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo haysta Dhalashada Boqortooyada Ingiriiska.

Magaalada Berbera oo uu ku suganyahay mid ka mid ah labadii ruux ee dhiigooda laga helay xanuunkan oo u dhashay dalka China, ayaa waxa lagu jiraa heegan buuxa, waxaana la sheegay in goobtii uu degenaa ninkani iyo weliba dadkii uu la macaamilay lagu hayo baadhis buuxda.

Magaalada Burco ayaa iyadana waxa ay guddiga caafimaadka ee gobalku galeen heegan buuxa maadaama oo qofka labaad oo ah muwaadin uu ku suganyahay magaalada Burco.

Si kastaba ha ahaate, waxa weli maqan jawaabta dhawr qof oo ay xukuumadu sheegtay in baadhistooda loo diray dalka Kenya, kuwaas oo la filayo in natiijadooda la soo celiyo toddobaadkan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.