Wasiir Mushaharkiisa 2020 ugu Deeqay Ka Hortagga Sadhada Covid19 ee Dalkiisa

Djibouti (Aftahannes):- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Djibouti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay inuu mushaharkiisa sannadkan idil ugu deeqay ka hortagga iyo la-dagaallanka Sadhada dunida ku faafay ee Corona-virus Covid-19.

Wasiir Ilyaas, ayaa sheegay inuu mushaharkiisa sannad buuxa ugu deeqay hawlgalada ka dhanka ah cudurkaas ee ka socda Djibouti.

Talaabadan ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay shacabka Djibouti iyo wasaaradda caafimaadka ee dalkaas oo sameeyay qorsheyaal tiro badan oo lagaga hortagayo xanuunkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.