Dekedda Berbera oo laga Hirgeliyey Nidaam lagu Xakamaynayo Covid19

Berbera(aftahannews):- Dallada Ganacsatada Somaliland ee magaceeda loo soo gaabayo SOFFA, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya awaamiirta dawladda ee xakamaynta Cudurka Corona Virus, ay nidaam cusub u sameeyeen qaabkii ay badeecadaha ugala soo bixi jireen dekedda Berbera.

Dalladan oo Xafiiskeedu ku yaallo magaalada Berbera, ayaa ganacsatada iyo Wakiillada Shirkaddaha badeecadaha soo dejiya u diyaariyey qorshe ay u sameeyeen gelista dekedda marka ay alaabta la soo baxayaan, isla markaana ula macaamilayaan xafiisyada dawladda ee cashuurta lagu bixiyo, si aanay u saxmadayn xafiisyada baddeecadaha loogu cashuuro iyo kuwa adeegyada kale ee dekedda lagu bixiyo.

Qorshahan oo ah mid ay isla qaateen maamulka dekedda, Shirkadda adeegyada dekedda maamusha iyo ganacsato ahaan, ayaa waxa kale oo qayb ah in wakhti gaar ah oo dekeda laga raro la siiyo Badeecadaha dalka itoobiya u socda ee halkaasi laga soo dejiyo.

Arrimahaasi iyo kuwo kale oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa dekedda Berbera iyo sida ay ilaa iminka baddeecaduhu dalka u soo gaadhayaan waxa ka waramay Afhayeenka Dallada SOFFA, Cabdilaahi Maxamud Cawad (Awoowo) oo khadka Telefoonka ugu waramay Wariye Saleeban Kalshaale.

Mr. Cawad ayaa sheegay in ay ka urur ahaan sidoo kale ka qayb-qaateen wacyi-gelinta Bulshada ee magaalada Berbera, taasoo ay kala shaqeeyeen Maamulka degmada iyo Gobolka.

Geesta kale waxa uu xusay in nidaamka cusub ee badeecadaha looga soo baxo Dekeddu uu yahay in ay hormo u sameeyeen Ganacsatada iyo wakiillada dekedda wax kala soo baxaya, kuwaasoo markiiba toban qof loo ogolyahay in ay galaan gudaha dekedda.

Waxa uu intaasi ku daray in ay dekeddu sidii caadiga ahayd u shaqayso oo aan wax badani iska bedelin baddeecadihii ka soo degi jiray, gaar ahaan kuwa daruuriga ah, isagoo intaasi raaciyey in ay dabayaaqada bishan soo bilaabmayaan badeecadihii ka iman jiray dalka Shiinaha oo hakad ku yimi tan iyo markii uu dalkaasi caabuqu ka dilaacay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Guddida heer qaran ee Dawladda Somaliland u qaabilsan ka hortaga cudurka Corona Virus ayaa todobaadkan sheegay in la xaddiday dhaqdhaqaaqa dekeddaha dalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.