Tirada Maxaabiis Madaxweynaha Soomaaliya Cafis u Fidiyey

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Cafis u fidiyey 148 Maxbuus oo ku jiray Xabsiyada dalka, tallaabadaas oo qayb ka ah dedaallada lagaga hortegayo faafitaanka Sadheeyaha dunida ku fiday ee Covid-19.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO OO MAXAABIIS CAFIYEY 2020

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu sheegay cafiska Madaxweynuhu Maxaabiista xukunnaa u fidiyey iyo waxa uu u xeeriyey. Qoraalkaas oo nqul ka mid ah aftahannews.com helay, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha  ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey  cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u  xukunneyn falal danbiyo culus.

Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.