Somaliland: Dhakhaatiirta, Culimada iyo Xukuumadda oo Qodobbo Xasaasi ah ka Wadahadlay!

KULAN DHEX-MARAY CULIMADA, DHAKHAATIIRTA IYO GUDDIGA COVID19 EE SOMALILAND 2020
KULAN DHEX-MARAY CULIMADA, DHAKHAATIIRTA IYO GUDDIGA COVID19 EE SOMALILAND 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Qaran ee Ka Hortagga Faafaha Dunida Sadheeyey ee Corona-virus Covid19 ee Somaliland, ayaa Kulan la yeeshay Culimada iyo Dhakhaatiirta Dalka, isla markaana waxay ka wadahadleen tallaabooyin ay sheegeen inay qaadistoodu lagama maarmaan tahay si bulshada loo badbaadiyo.

KULAN DHEX-MARAY CULIMADA, DHAKHAATIIRTA IYO GUDDIGA COVID19 EE SOMALILAND 2020
KULAN DHEX-MARAY CULIMADA, DHAKHAATIIRTA IYO GUDDIGA COVID19 EE SOMALILAND 2020

Kulankan oo gelinkii dambe ee Arbacada ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayey saddexda dhinac kaga arrinsanayeen sidii looga hortagi lahaa xanuunkaasi islamarkaana bulshada loo badnaadin lahaa hadday tahay dhanka Diinta, Caafimaadka iyo dhanka Dawladdaba.

Dhakhaatiir ay ka mid yihiin Dr. Axmed Aadan Buuxane, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Dr Maxamed Caydiid Cilmi, Dr. Maxamed Xaddi Qayaad iyo Xubno kale, ayaa kulankaas Culimada ugu soo bandhigay habka uu cudurku u fido, sida la isu badbaadin karo amma looga hortagi karo iyo wacyigelinta guud ee Bulshadu u baahan tahay ee la xidhiidha Cudurka Covid-19.

Dr. Axmed Xuseen Ciise, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Dhinaca Diinta Culimada oo ka eegaya halista cudurka iyo dariiqyada xalka noqon kara in go’aan laga gaadho waxa laga yeelayo Salaadaha Jamacaha ah ee la isugu yimaaddo, waxaanu sharraxay asbaabaha xanuunku ku faafi karo oo uu ku tilmaamay lama filaan taxaddir badan iyo masuuliyad u baahan, si loo xakamayn karo.

Dhinaca Culimada, Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Sheekh Suufi, Sheekh Axmed Dhimbiil, Sheekh Ciise, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo Sheekh Cabdiraxmaan Jaamac oo afka Culimada ku hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan hawlaha guddiga qaran waddo, diyaarna u yihiin Culimo ahaan wada shaqayn iyo wada-tashi joogto ah oo Bulshada lagu badbaadinayo.

Waxaanay sheegeen in  codsiga ay Guddiga iyo Dhakhaatiirtu u soo jeediyeen Culimo ahaan ka wada-tashan doonaan, dhinacyada Diinta, saamaynta Xanuunka Covid-19 leeyahay iyo xalka lama dhaafaanka ahi waxa uu noqon doono. Sheekh Ciise iyo Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay arrinta salaadaha Jamaca ah, iyaga oo xusay inaanay meesha oollin amar Guddigu dusha kaga keentaa, balse ay Culimo ahaan iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu isku noqon doonaan, ka dibna go’aan Bulshada dan u noqon kara soo wada saari doonaan.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo Xubin ka ah Guddiga Ka-hortagga Xanuunkaas, ayaa ka hadlay doorka ay Culimada uga baahan yihiin.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Ka-hortagga COVID19, ayaa soo afmeeray kulankaas.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo lagu baahiyey Bayjka Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankaas saddexda dhinac ah la iskula qaatay in Culimada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay kulammo dib isugu noqon doonaan, isla markaana ay Fadwo soo saari doonaan haddii Illaahay idmo Khamiista, taasoo qayb wayn ka qaadan doonta wacyigelinta bulshada ee Faafaha Dunida Sadheeyey ee Corona-virus.

Warka Kulankan iyo nuxurka qodobbada lagaga hadlay ku saabsan iyo weedhaha ay dhinacyadu is-dhaafsadeen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannnews.com

Hargeysa/Somaliland.