Kumuu ahaa Nuur-cadde, Maxaad Ku Xasuusan Kartaa, Maxayse Madaxda Soomaalidu Ka Tidhi?

RA'IISAL-WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA NUUR CADDE OO LONDON UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020
RA'IISAL-WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA NUUR CADDE OO LONDON UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020

London/Muqdisho (aftahannews):- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde), ayaa London ugu geeriyooday xanuunka dunida aadka u saameeyey ee Corona-virus Covid19, sida ay Qoyskiisa Warbaahinta u xaeiijiyeen.

RA'IISAL-WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA NUUR CADDE OO LONDON UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020
RA’IISAL-WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA NUUR CADDE OO LONDON UGU GEERIYOODAY COVID-19 2020

Bishii hore ee March 26, ayaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu ku dhacay fayraska Covid-19, sida uu xilligaas xaqiijiyay wiilkiisa oo BBC Somali la hadlay. Nuur Xasan Xuseen oo loo yaaqaan (Nur Cadde) wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938 wuxuuna ahaa 82 sano jir.

Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ay isla soo shaqeeyeen Nuur Cadde wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa nin aad u qaali ah oo maamul yaqaan ah oo shaqadiisa garanaya”.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde wuxuu yiri: “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

Sidoo kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada uu ka dhintay Alle Ha u naxariisto, Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde).

Waayihiisii xilka Ra’iisul Wasaare

Nuur Cadde oo mudooyiinkii ugu dambeeyay degganaa magaalada London ee dalka Britain, wuxuu xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November 2007-dii. Xilkaas waxaa u magacaabay madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowlladii kumeel gaarka ahayd.

Wuxuu xillgaas xilka kala wareegay Cali Maxamed Geedi oo is casilay 29-kii bishii october ee isla sannadkaas, 2007.

Madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yusuf oo siyaasad ahaan ay kala aragti duwanaadeen Nuur Cadde, wuxuu dhammaadkii 2008-dii sheegay inuu kala diray Nuur Cadde iyo golihiisii Wasiirada.

Mooshinno iska soo horjeeday oo la geeyay Baarlamaaka waxaa codka ku guuleystay Nuur Cadde. Wuxuuna xilka Madaxweynaha u tartamay doorashadii Jabuuti ka dhacday horraantii 2009-dii ee uu ku guuleystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxbarashadiisii iyo noloshiisii guud

Waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa. Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda ayuu wax ku bartay, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka, wuxuuna ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

Nuur Cadde wuxuu shaqadiisii ugu horreysay ku billaabay Sarkaal canshuuro, 1958-dii, laba sano ka hor intii Soomaaliya aysan qaadan xuriyadda. Wuu dalacay illaa uu ka gaaray heerar sare oo la xiriira hoggaanka booliska. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay hay’ado boolis oo caalami ah.

“Wuxuu ahaa nin aqoon sare leh. Wuxuu wax ku soo bartay Taliyaaniga. Wuxuu ahaa nin afgaaban oo dabeecad macaan”, ayuu yiri Subxaanyo.

Ka dib markii uu ka baxay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, wuxuu ku biiray Jaamacadda Room. Wuxuu labadaas Jaamacadood ka bartay Culuumta Shuruucda, sida ay xaqiijiyeen dad badan oo ay isla soo shaqeeyeen.

Ka dib Burburkii wuxuu u wareegay hay’adaha Gargaarka, wuxuuna la shaqeeyay hay’ado caalami ah sida Hay’addii Bisha Cas ee Soomaaliya (SRCS).

Sannadkii 1976-dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah hay’adda Bisha Cas ee Somaaliyeed, ka hor inta aan loo dooranin inuu noqdo xubin gudiga fulinta ee hay’adda.

Howlihiisii Ciidanka Boliiska Somaaliya;

NUUR CADDE IYO CABDILLAAHI YUUSUF
NUUR CADDE IYO CABDILLAAHI YUUSUF
Nuur Cadde wuxuu ra’iisul Wasaare ahaa 2007 illaa 2009.

Alle ha u naxariisee, Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Soomaaliya wuxuu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala gedisan ayuuna ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska.

Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL. Sannadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliya.

Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ay isla soo shaqeeyeen wuxuu yiri “Wuxuu ahaa diiwaan hayihii booliiska oo dhan. taliyaha ayuu la shaqeyn jiray. Booliska isaga la aantiisa maba socon karin. Wuxuu ahaa saraakiishii ugu aqoonta badnayd booliska”.

Sannadkii 1986, Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka Taliyaaniga, halkaas uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, waxaa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo dembiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sannad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Soomaaliya.

Maxaa lagu xasuusan doonaa?

Waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah “Heshiiskii lagu soo dhisay dowladdii (Sheekh Shariif) ee lagu qabtay Jabuuti iyo kaalintii fiicneyd ee uu ka qaatay”, ayuu yiri Subxaanyo oo sidoo kale xilligaas ay isla shaqeeyeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

“Wuxuu kaalin wanaagsan ka qaatay in ay dhacdo mideyn iyo isu imaatin iyo iyadoon dagaal dhicin in nabadgelyo wax lagu xalliyo,” ayuu hadalka ku daray.

Si gaar ah Booliskii uu ka tirsanaan jiray “waxaa ka tagay nin qiimo leh oo waxbadan ka soo qabtay”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde wuxuu yiri: “Waxaan ka wada shaqeynay arrintii dib u heshiisiinta ee 2008-2009. Wuxuu ahaa in qiimo leh oo nabadda aad u jecel”.

“Nabadda iyo dowladnimada ayuu xilkiisa Raysalwasaare miiska u saaray, danta guud ayuu ka hormariyey tiisa shakhsiga ah ee geedi socodka nabadda iyo dhismaha dowladnimada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo boggiisa facebook uga hadlay geerida Nuur Cadde.

Xigasho BBCSomali.com.