Garoowe: Puntland oo Dad u Xidhay Qarax Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Masuuliyiin Dhawr ah

PUNTLAND
PUNTLAND

Garoowe(aftahannews):- Ciidammada Ammaanka Puntland, ayaa xalay howlgal culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Gujir.

PUNTLAND
PUNTLAND

Puntland ayaa heshay xog la xidhiidhta qofka ismiidaamiyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, waxaana iyadoo taas laga duulay ay ciidamadu soo xireen dad looga shakisan yahay inay xiriir dhow laleeyihiin ismiidaamiyaha.

Taliyaha ciidanka bilayska Puntland, sareeye gaas Muxyadiin Axmed Muuse ayaa saxaafada ku hadasha afka maamulka Puntland u sheegay in hay’addaha amnigu shaqo badan qabteen qaraxa kadib ayna horey u hayeen macluumaad badan.

Xaaladda magaalada Garowe ayaa caadigeedii kusoo laabatay, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay dib loo furay saakay, inkastoo ay jirto feejigaan amni oo heerkeedu aad u sareeyo.

Waxaa goor dhow la filayaa in aas qaran loo sameeyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, waxaana ka qeynb galaya madaxda Puntland.

Xigasho Hiiraan.com.