Dowladda Jabuuti oo Shaacisay in Dad Hargeysa uga gudbay ay ka Heshay Cudurka Coved-19

Djibouti(aftahannews):- Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Djibouti Saalax Bunita, ayaa shaaca ka qaaday in Afar Qof oo cusub laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19, kuwaas oo tirada Dadka xanuunkaa laga helay Jabuuti ka dhigaya 18 Ruux.

Afartan Qof, ayaa marayey marka xanuunka laga helay magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla Xadka Dalalka Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan, isla markaana ka gudbayey dhinaca Somaliland, sida uu Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Warbaahinta dowladda Jabuuti u sheegay Axaddii maanta.

Afartan Qof ee laga helay Cudurka Covid-19 oo Reer Jabuuti ah, ayaa intii ay Jabuuti xidhay Xuduudeheeda Cirka, Dhulka iyo Baddaba, ka dib waxay Dalka Itoobiya ka soo raaceen Diyaaradda Ethiopian Airlines, taas oo keentay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo ay ku hakadeen wakhti aan la shaacin.

Hase-yeeshee, waqti ka dib, ayey Afartaas Ruux gaadhi ka raaceen Hargeysa si ay Jabuuti dhinaca dhulka uga galaan. Balse waxa laga helay xanuunka markii lagu baadhay goobaha Hawl-wadeennada Caafimaadka la dhigay ee Kidinka laga galo Xadka Jabuuti ee Lawyo-caddo, waxaanu Wasiirka Caafimaadku sheegay in lagu karantiimeeyey afartaa Qof goobaha ay Dowladda Jabuuti uga diyaarisay Xadka ay Somaliland la wadaagto ee Lawyocaddo, Balse Somaliland dhinaceeda kamay hadal dadkaas sheegtay inay Hargeysa ka soo degeen oo dhinaca dhulka uga gudbayeen Jabuuti.

Warkaas oo faahfaahsan iyo Faaqidaad la socotaba ka Daawo Muuqaalkan Hoose:-

Somaliland, ayaa Xad la leh Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo dhammaantood shaaciyey Kiisaska Dad uu ku dhacay Cudurka Corona-virurs Covid19 in dalalkooda laga helay, kuwaas oo Jabuuti ah 18 Qof, halka Itoobiya ka tahay 19 iyo Soomaaliya oo 3 Qof ah inta ay Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladahaasi shaaciyeen. Balse, Somaliland waxay sheegtay inaanu weli Halkiis oo Covid-19 ahi ka jirin Dalkeeda, iyadoo ay weli furan yihiin Xuduudaha Cirka iyo Dhulka ee Somaliland, isla markaana Ganacsiyo Qaadka iyo Qudaartu ka mid yihiin uga yimaaddaan Itoobiya.

Tirada Dadka Dunida ee uu Xanuunka Covid-19 ku dhacay, ayaa maraysa 670,000 inta la caddeeyey, halka ay Dhimashadu kor u dhaaftay 31,000 inta la rikoodh-gareeyey, marka loo eego xogta ay faafinayaan Hay’adaha Caafimaadka iyo Jaamacadaha xog-ururinta ka sameeyey saamaynta Xanuunkan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Soaliland.