Qarax lala eegtay Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Breaking_news-5

Garoowe(aftahannews):- Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu magaalada ka dhacay qarax sababay khasaaro soo gaaray saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.

Breaking_news-5
Breaking_news-5

Warar hor dhac ah oo VOA Soomaali heshay ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey looga shaki qabo inuu kusoo orday oo uu isku qarxiyey saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Nugaal, inkastoo mas’uuliyiinta Puntland aysan rasmi ahaan iyagu u xaqiijin sababta dhalisay qaraxa.

Weerarkan waxaa dhaawacyo culus ay kasoo gaareen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray askari ku sugnaa goobta. Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Magaalada Garoowe ayaa ka mid ah meelaha ugu amniga badan Puntland.

Xigasho VOASomali.com.