Kenya oo sheegtay in dib-u-celinta Qaxoontiga Soomaaliya qaadanayso waqti soddon sano ah

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto oo ka qaybgalay shalay kulan ay heshiis ku kala saxiixanayeen wasiirrada arrimaha dibada ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in qorshaha qaxootiga dib loogu celinayo uu qaadan doono mudo sadex sano ah.

M1560056

M1560070

M1560053

M1560014

William Ruto ayaa ku tilmaamay heshiiska Soomaaliya, Kenya iyo hay’ada UNHCR ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ay gaareen inuu yahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay cagta saartay wadada horumarka.

“Celinta qaxootigu waa calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay ka baxday xasillooni darradii ka taagnayd mudada dheer” ayuu yiri William Ruto.

Ruto ayaa sheegay in sabtidii uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailamaryam Desalign oo ay ka wada hadleen sidii Itoobiya ciidankeedu uu uga mid noqon lahaa AMISOM , taasoo uu sheegay inay dadajinayso qorshaha la doonayo in Soomaaliya ay ku hesho xasillooni buuxda oo ay qaxootigu dib ugu laabtaan dalkooda.

“Ma dhacdo in waddan Afrikaan ahi ka cawdo dadka soo booqda, laakiin qaxootiga Soomaalida ah waxaa uu culays wayn ku yahay dalka Kenya gaar ahaanna dhinaca amniga” ayuu yiri William Ruto.

Wasiirka amniga gudaha James Olelenko oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa ku celiyay in qaxootiga Soomaalidu ay ka qaybqaataan xasiloonada darrada Kenya isagoo sheegay in Kenya amnigeeda ilaalsan doonto iyadoo aan ka tagaynin xeerarka caalamiga ah ee bini’aadanimada iyo qaxootiga.

“Waad ogtihiin culayska dhanka ammaanka naga saaran, kooxaha argagixisadu waxay ku soo gabadaan qaxootiga” ayuu yiri Olelenko.

Waxaa uu digniin u jeediyay Olelenko qaxootiga ku nool magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya isagoo sheegay inaan la aqbali doonin in qaxootigu ay ku noolaadaan meel ka baxsan xerqayaha qaxootiga inta dib loo celinayo.

Cabdi Ra’uuf oo ah mid kamid ah saraakiisha hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qaxootiga la celinayo ay yihiin kuwa si iskood ah u noqonaya.

Waxaa uu tilmaamay in Kenya ay ku ammaanantahay mudadii dheerayd ee ay Soomaalida martigalisay qaramada midoobayna ay arrinkaas si wanaagsan uga dharagsantahay.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ugu dambayntii qalinka ku duugay heshiis loogu gogol xaarayo in qaxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda iyagoo dib u dejin ay u samaynayso hay’ada UNHCR.

Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Marwo Aamina Maxamed Jibriil oo labaduba goobta hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in mushkilada qaxootiga Soomaalida uu heshiiskaani xal u yahay.

Kasoo qaybgalayaashii shirka lagu saxiixay heshiiska qaxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya ayaa dhammaantood wada iftiimiyay in qaxootiga la celinayo ay yihiin kuwa iskood u laabanaya, iyadoo aysan jiri doonin cid si khasab ah loogu celinayo dalka sida ay sheegtay wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya oo shir jaraa’id qabatay markii ay saxiixday heshiiska.

“Qaxootiga laga hadlayo waa kuwa doonaya inay si iskood ah ugu laabtaan dalkooda, hadaba waxaa laabatay 80 kun oo qaxooti ah, iyadoon cidi khasbin” ayay tiri Fawziya.

Ugu dambayntiina kulankii shalay lagu saxiixay heshiiska ayaa walaac ku abuuray Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya kuwaasoo u arka Soomaaliya inaysan wali ka jarin xasillooni buuxda, iyadoo kuwa kalana ay aaminsanyihiin in celinta qaxootigu ay ka qayb-qaadan doonto xasilloonida dalka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.