Brazil Oo Looga Barooranayo Pele Walaalkii Oo Geeriyooday

Halyeyga reer Brazil ee Pele ayaa walaalkii ku geeriyooday waddankaas, kaddib muddo uu xanuunka halista ah ee Kansarka u yaallay cusbitaal ka dhisan Sao Paulo.

Jair Arantes do Nascimento Zoca, oo ahaa walaalka ka yar Pele oo muddo kooba u ciyaaray kooxda Santos ee ka dhisan Brazil, ayaa Arbacadii ku geeiyooday da’da 77 jirka, waxaana dalkaas looga barooranayaa geeridan naxdinta leh oo kusoo beegantay xilli uu Pele naf ahaantiisa xaaladdiisa caafimaad aanay wanaagsanayn.

Jair Arantes do Nascimento Zoca oo dhashay sannnadkii 1942-kii, waxa uu sannadihii 1960-meeyadii isku dayay inuu raaco raadka walaalkiisa weyn, waxaanu ku biiray kooxdii Pele uu hormoodka u ahaa ee Santos, hase yeeshee kaliya 15 kulan oo uu u icyaaray oo uu afar goolna u dhaliyey, ayuu ka tegay, waxaanu la taliye u noqday walaalkii Pele oo uu u maamulay ganacsiyo uu xilligaas hirgeliyey.

Kooxda kubadda cagta Santos ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Jair Arantes do Nascimento Zoca uu ku geeiyooday da’da 77, waxaanay tacsi u dirtay qoyska halyeyga Pele.

Santos waxa kale oo ay sheegtay inay xus u samayn doonto laacibkan hore, taas oo kaliya ku koobnaan doonta shamac laga shidi doona Acropole Ecumenica maadaama caabuqa Coronavirus dartii aanay dadku iskugu iman karin.

Halyeyga reer Brazil ee Pele ayaa la filayaa in aanu ka qayb-gelin aaska walaalkii maadaama xaaladdiisa caafimaad ay liidato, isla markaana aanu bishan March oo dhan soo booqanin Jair Arantes do Nascimento Zoca oo yaallay cusbitaalka Antonio Wilson Vieira Honorio.

Pele oo saddex sannadood ka weynaa walaalkiisa geeriyooday, ayaa 80 jir noqon doona bisha October ee sannadkan.

.