Coronavirus: Maraykanka iyo Shiinaha Midkee Samayeeyey Maxaase Caddaymo Loo Hayaa? Q: 2-aad

coronavirus covid19
coronavirus cocoronavirus covid19vid19
  • “Cronavirus, waa Xannuun dabiici ah oo lagu ciqaabayo bini-aadamka” Shi Zhengli oo ah Cilmi-baadhe ka tirsan Machadka Wuhan
  • “Waxa jira mala awaal ah in COVID-19, loo sameeyay inuu si gaar ah u bar-tilmaameedsado dad gaar ah marka loo eego astaamaha hidde ahaan (genetic traits).” General Nasrollah Fathian.
  • “Coronavirus, Saddex Tusaale oo sabab u noqday faafitaanka” Fatma Ben Hamad, oo ah suxafiyad ka hawlgasha ‘Observateurs France 24’
  • “Faafitaanka weerrarka Coronavirus, wuxuu dalalka ugu socdaa siday u kala sheeganayeen Xadaarad, Awood dhaqaale iyo Cudud Millateri”
  • “Xiisadda ugu weyn ee dublamaasiyaadeed, wuxuu ka dhex abuuray Coronavirus Maraykanka, Shiinaha iyo Iiraan”

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland. Qaybtii Labaad

coronavirus covid19
coronavirus cocoronavirus covid19vid19

Sheekada odhanaysa, ama dooddaha ah in ‘Coronavirus’ yahay hub Bayooloji ah keliya, maaha mid waxyeelo leh, laakiin cilmi ahaan maaha mdi la taageerayo. Saynisyahanadu waxay tilmaameen in isbedelada Fayrisku si buuxda gabi ahaanba ula jaan qaadayaan abuurista dabiiciga ah.” Sida laga soo xigtay mid ka mid ah Joornaalada ugu caansan ee wax ka qora arrrimaha Caafimadka oo lagu magcaabo (The Lancet), Saynisyahano ka socda dalal badan ayaa si xad dhaaf ah u soo gabagabeeyey in sheekada Fayriska Coronavirus inay asal ahaan ka timi ama ay ka soo jeedo duurjoogta, walaw aan laysku raacsanayn heerka ilaa xadka waxyeelada ee Aadamaha iyo raadka uu ku yeelanayo mustaqbalka kuwa ka badbaaada ee kasoo kabta.

Maaddaama coronaviruses yahay Fayris kasoo gudbay xayawaannada ilaa Aaddamaha, saynisyahannadu waxay rumaysan yihiin qaakood inuu asal ahaan xayawaan ka yimi. Intooda badan waxay isku raacsan yihiin in fiidmeerta ay ahayd keydka dabiiciga ah ee loogu talagalay fayriska, in kasta oo uu jiro tuhun ah inuu ka yimi masaska qaarkood oo laga soo qaaday dheecaano sida ay khuburo badan rumaysan yihiin.

Khuburada dhanka Sayniska qaarkood, waxay rumaysan yihiin in xayawaanka Afarta adin leh ee loo yaqaan pangolins-oo si weyn loogu tixgeliyo cunistiisa dhanka Shiinaha ay noqon karto inuu xudun u yahay sidii uu qayb uga noqon lahaa gudbiyaha fayriska ee aadamaha. waxayse dhamvaan khuburada dhanka Saynisku isugu biyo shubteen doodaha la xidhiidha Coronavirus inay yihiin kuwo u janjeedha in Coronaviris yahay dhibaato la sameeyay oo ka timi Caabuqa zoonotic oo laga qaado xayawaannada duurjoogta ah, kaas oo loo gudbiyo aadanaha.

In kasta oo fayrisku laga dhex helay dad xidhiidh la leh suuq qoyan oo Xayawaanka nool lagu iibiyo ee Magaalada Wuhan, kaas oo lagu iibiyo xayawaanka iyo xoollaha, balse xaaladaha qaarkood ee dadkii lagu arkay CorUonavirus, waxay ahaayeen dad aan booqan suuqa, waxaase loo malaynayaa inay xilli hore yimaadeen halkaa.

Waxa jira mala awaal taageeraya sababta uu cudurku sida deg-dega ah ugu faafayo, taas oo sheegaysa in cudurka Coronavirus dillaaciisa ay sabab u tahay shil ka dhacay Sheybaarka, iyadoo aan la adeegsan (Biosafety/Biosecurity) oo ah ka hortagga luminta baaxadda weyn ee jiritaanka noolaha, iyadoo diiradda la saarayo labadaba arrimood ee bayoolajiga iyo caafimaadka Aadanaha. Isticmaal la’aanta Aaladaha ka hortagga ah waxaa ka mid ah socodsiinta dib-u-eegista joogtada ah ee biosafety-ka ee goobaha sheybaarka, iyo sidoo kale tilmaamo adag oo la raaco. (Biosafety/Biosecurity)waxaa loo isticmaalaa in laga ilaaliyo shilalka waxyeelada leh.

Balse waxa muuqata in ay taas oo meesha ka maqnayd (Biosafety/Biosecurity) uu coronavirus kasoo saaray shaybaadh, taas oo sababtay in saynisyahannadu ku guuldaraystaan in ay raacaan borotokoolka sunta saxda ah. Taageerayaasha aragtidan waxay farta ku fiiqayaan cadaymo muuqan kara oo xad dhaaf ah, kuwaas oo ku xidhmay goobta uu kasoo ifbaxay Coronavirus ee Machadka Wuhan ee Virology, kaas oo isna leh shaybaadhka Shiinaha ee kaliya biosafety 4 (BSL-4), oo ah heerka ugu sarreeya taxaddarka (biosafety.)

 Waxay caddeeyeen in Shi Zhengli, oo cilmi baadhe ka ah sheybaadhka uu helay naanaysta ah “BatWoman,” wuxuu si firfircoon uga ugaadhanayay Coronavirus, isla markaana, wuxuu caddeeyay in xayawaanadu ay leeyihiin kayd dabiici ah oo loogu talagalay Coronaviruses-ka ay isku bahda yihiin Fayrisyada loo bixiyay SARS.

Hase yeeshe Shi Zhengli oo ah aqoonyahan cilmiga ku xeel dheer oo u dhalatay Shiinaha, isla markaana ah qoraa. Waxay cilmi baadhe ka tahay Machadka Wuhan ee Virology, oo qayb ka ah Akademiyada Sayniska Shiinaha, ayaa si cad u beenisay in machadkaasi yahay isha sababta u ahayd faafinta iyo kasoo bixista coronavirus-ka, waxayna ku tilmaantay Coronavirus inuu yahay “dabiiciga lagu ciqaabayo bini-aadamka iyo sidii loo ilaalin lahaa caadooyinka nool ee aan loo meel dayin.” ayay ku tidhi dooddeeda, Shi Zhengli.

Boggaga kale ee warbaahinta bulshada ee Shiinaha ayaa diiradda saaray xaqiijinta agaasimaha guud ee Machadka, Wang Yanyi. taas oo bulshada la wadaagtay qoraal la sheegay in uu qoray Rao Yi, oo ah hormuudka cilmiga bayoolajiga Shiinaha, wuxuuna sheegay in Haweenayda Wang ay leedahay aqoon-yari tabar daran, isla markaana ay kor ugu soo kacday jagada ay hadda ku hayso nacabnimada.

Bishii February 17-keedii, ayaa mid ka mid ah Khuburada ku eedeeyay Wang inay ku xadgudubtay  shuruucda noolaha (biosafety) iyo iibinta xoolaha sheybaadhka suuqyada qoyan si ay macaash u hesho. Daraasad kale, oo ay samaysay Jaamacadda Teknolojiyadda Koonfurta Shiinaha, ayaa ku soo gabagebaysay in “Coronavirus” ay u badan tahay ‘inuu ka yimi Xarunta Wuhan ee Xakamaynta iyo ka hortagga Cudurrada, halkaas oo 280 mitir u jirta Suuqa Kalluunka badda ee Hunan.

Daraasadda ayaa xustay in fiidmeerta la xidhiidhiyay Coronavirus ay hal mar weerareen cilmi-baadhayashu, waxaana jiray mid isagu karantiimo is geliyay, sababtoo ah waxay warbixinuhu sheegayaan in wax-xoogaa dhiig ah uu ku duulay jidhkiisa, ama maqaarkiisa. Waraaqda lagu daabacay warbixintaa, ayaa markii dambe laga saaray Research Gate, oo ah goob ganacsi bulsho-shabakadeed saynisyahano iyo cilmi baachayaal danaynayay si ay ula wadaagaan waraaqaha ayaa waayay. Illaa iyo hadda, saynisyahanadu ma xaqiijin, sidoo kale ma beenin natiijada ka soo baxday warqadaa. sida ay sheegayaan warbixinaha la xidhiidha Coronavirus.

Inta badan eedaymaha, ayaa waxay noqon karaan kuwa aan sal lahayn, laakiin qofna ma dafiri karo in badbaadada shaybaadhka ay tahay walaac weyn oo dhanka Shiinaha ka yimi, kaas oo Jebinta amniga ee Xarunta Shiinaha ee Xakameynta Cudurrada iyo Ka hortagga sida la rumaysan yahay Beijing 2004, ay ka dhacday arrin sababtay inay keento Afar kiis, kuwaas oo looga shakisanaa inay ahaayeen SARS, oo mid ka mid ah uu ahaa dhimasho.

Shilal kuwaas la mid ah, ayaa sababay in 65ka mid ah shaqaalaha shaybaadhka ee Machadka Baadhitaanka Caafimaadka Xoolaha ee Lanzhou (Lanzhou Veterinary Research Institute), halkaas oo uu ka dhacay xannuunka loo yaqaan ‘brucellosis’. December 2019. Bishii January 2020, saynisyahan caan ah oo reer China ah, Li Ning, waxaa lagu xukumay 12 sannadood oo xabsi ah kadib markii uu ka iibiyay  suuqa xoolaha ee maxaliga waxyaabo tijaabo ah.

Talaabooyinka ay qaaday dowladda Shiinuhu xilligaa, ayaa xoojiyay kalsoonida laga qabo sheekada ah in cudurka ‘coronavirus’ uu si lama filaan ah uga baxsaday sheybaadh. Bishii February 2020, Shiinaha ayaa u magacaabay Major General Chen Wei, khabiirka ugu sareeya inuu noqdo madaxa shaybaadhka Machadka Wuhan (BSL-4 laboratory at Wuhan Institute of Virology).

Arrintan magcaabista Major General Chen, ayaa sii kordhisay kordhisay tuhunno ku saabsan suurtagalnimada in fayraska la xidhiidhiyay shaybaadhka BSL-4. maalmo kadib 14 February 2020, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo in lagu daro weedha odhanaysa (shengwu anquan) oo af Shiinayska ah oo macnihiisu noqon karo “noolow ama” “Biosafety/Biosecurity”) nidaamkiisa amniga qaran.

Arrintan magcaabista Major General Chen, ayaa sii kordhisay kordhisay tuhunno ku saabsan suurtagalnimada in fayraska la xidhiidhiyay shaybaadhka BSL-4. maalmo kadib 14 February 2020, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo in lagu daro weedha odhanaysa (shengwu anquan) oo af Shiinayska ah oo macnihiisu noqon karo “noolow ama” “Biosafety/Biosecurity”) nidaamkiisa amniga qaran.

Dhawaaqa Madaxweynaha Shiinaha Xi, waxa markiiba raacay Wasaaradda Sayniska iyo Tikniyoolajiyadda, taas oo ku saabsan xoojinta maaraynta (Biosafety/Biosecurity) ee shaybaadhka maaraynta coronavirus-ka cusub, iyadoo soo jeedinaysa in Xi Jinping, maskaxda ku haystay (Biosafety/Biosecurity) markii uu soo saaray dardaaranka.

Laakiin hoggaamiyaha Shiinaha ayaa si fudud u tixraaci lahaa Beeraha Xoollaha, halkaas oo cilmiga noolaha si baaxad leh loogu qeexay wax kasta oo la sameeyo si looga ilaaliyo cudurka xoolaha iyo dadka inay la macaamilaan. Runtii, xilligaa golaha sharci dejinta Shiinaha wuxuu ku dhawaaqay xayiraad joogto ah oo ku waajahan ganacsiga xoollaha iyo cunistooda, taas oo u muuqatay digniin lagu yarayno fursadaha cudurada ku faafa Aadamaha iyo xayawaanka.

24 February 2020, markii lagu dhawaaqay xayiraada joogtada ah ee isticmaalka duurjoogta iyo ganacsiga marka laga reebo cilmi baadhista, ama ujeedo daawo ama muuqaal ah, taas waxay u muuqatay inay saamayn ku yeelanay dhanka dhaqaalaha Shiinaha, isla markaana ay baabiin doonto Warshado qiimahoodu lagu qiyaasay $ 76 bilyan, isla markaana shaqooyinkooda ku waayi doonaan ku dhawaad 14 milyan oo Shiine ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen 2017. Akadeemiyada injineernimada Shiinaha.

Balse waxa jiray aragtiyo soo dhoweeyay dadaalkan, halka kuwo kale, sida Daszak, ay ka walweleen in dadaallo aan badnayn lagu beddelo caqiidooyinka dhaqameed ee dadku ama ay bixiyaan hab nololeed kale, xayiraada ayaa laga yaabaa inay ku riixdo ganacsiga dhulka hoostiisa. Tani waxay tilmaamaysaa in cudurka lagu oggaado xitaa mid ka sii culus. “Cunista duurjoogta ayaa qayb ka ahayd dhaqankii koonfurta Shiinaha” kumanaan sano, ayuu yidhi Daszak. “Waxba iska bedeli mayso hal habeen.”

Fayrasku hadda si dhakhso ah ayuu ugu faafay Adduunka oo dhan, wuxuuna sababay cawaaqib bulsheed, siyaasadeed, iyo dhaqaale meel kasta, manaha weli mid la Aqoonsaday asal ahaan, taas ka caawin lahayd khubarada iyo dowladaha in ay raacaan talaabooyinka ugu fiican ee lagaga hortago faafitaankiisa, isla markaana lagaga gaashaanto mustaqbalka faafitaanka.

Illaa hadda dooddaha iyo fikradaha odhanaya Fayriska Coronavirus waxa loo soo saaray hub ahaan bayoolaji, ama dooddaha kale ee odhanaya wuxuu uga baxsaday si lama filaan ah shaybaadh waxay labaduba u muuqdaan mid macquul ah, marka la eego sida mala-awaalka uu fayrasku bini-aadamka uga soo booday. Laakiin Shi Zhengli oo ah aqoonyahan cilmiga ku xeel dheer oo u dhalatay Shiinaha, isla markaana ah qoraa, cilmi baadhe Machadka Wuhan ee Virology, oo qayb ka ah Akademiyada Sayniska Shiinaha, ayaa si cad u beenisay in machadkaasi yahay isha sababta u ahayd faafinta iyo kasoo baxay coronavirus-ka, waxayna ku tilmaantay Coronavirus inuu yahay wax “dabiiciga lagu ciqaabayo bini-aadamka”.

Doodda Haweenaydaa, waxa jira aragtiyo xojinaya, kuwaas oo tilmaamaya in masiibada Coronavirus ay kusoo beegantay xilli ay xukuumadda Shiinuhu dhibaatooyin ba’an oo aan kala joogsan ku hayeen muslimiinta ku nool Koonfurta dalka Shiinaha ee tirada yar, kuwaas oo faragelin lagu sameeyay Diintooda, isla markaana marar baddan lagu soo rogay awaamiir faragelin caqiidadooda ah oo gaadhay xataa in lagu war geliyo in aannay soomin Bisha barakaysan ee ramadaan iyo inay si xor ah u cibaadaystaan, waxayna doodda Dr. Shi Zhengli, ee ah in Coronavirus yahay wax dabiici ah oo lagu ciqaabayo bini-aadamka xoojinaysaa aragtiyahaa.

Hase yeeshee, Khuburada Maraykanka ee dhanka Sayniska iyo baadhayaasha ku xeel-dheer arrimahan ayaa ku kala qaybsan arrinta waxayna fikradaha iyo dooddaha qaarkood, ama intooda baddan noqdeen kuwo meesha ka saaray, ama sii xumeeyay jawiga iskaashiga Maraykanka iyo Shiinaha ee wax ka qabashada cudurka dillaaca, waxayna hoggaamiyayaasha labada dhinac isu mariyeen warbaahinta eedaymo, iyadoo midba midka kale waa Maraykanka iyo Shiinaha ee ku eedaynayo inuu isagu sababay fayriska Coronavirus.

 Xiisadda dublamaasiyaadeed ee Coronavirus ka dhex abuuray Maraykanka iyo Shiinaha ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta Aduunka iyo Boggaga Internetka oo lagu daabacay dhawaaqyo midba midka kale ku eedaynayo.

Zhao Lijian, oo ah Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha (MOFA), ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu ku faafay viruska magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, halkaas oo ahayd xudunta uu kasoo faafay cudurka coronavirus, horraantii Desember 2020.

Dibloomaasi Shiine ah ayaa markii ugu horaysay dhigay muuqaal fiidiyoow ah, kaas oo Robert Redfield, oo ah madaxa Xarunta Xakamaynta iyo Ka hortagga Cuduriga ee Maraykanka (CDC), warbixin lagaga dhegaysanayay golaha Wakiiladda in qaar ka mid ah dhimashada Coronavirus laga helay Maraykanka ka dib markii dib loo eegay sababaha ay u dhinteen.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Zhao ayaa markaa kadib bartiisa Twitter soo dhigay, isagoo weydiinaya inuu jawaabo ka bixiyo Su’aalahan, “Madaxa CDC ee Maraykanka ayaa gacanta lagu dhigay. Goorma ayuu bukaanku soo galay Maraykanka? Immisa qof ayuu cudurku dilay? Waa maxay magaca Cusbitaalka lagu arkay?”

Faallooyinka iyo dhaleecaynta Mr. Zhao ee ku waajahan Maraykanka, ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii La-Taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka Robert O’Brien uu caddeeyay in fayraska ugu horreeyay ee laga helo dalka Shiinaha bulshada adduunka laba bilood gudahood ku kiciyay oo isaga gudbay qaaradaha, isla markaana ay xaaladda faafitaanka adduunka ee Coronavirus sii xumaatay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Trump, ayaa marar badan isticmaalay kelmado ay ka cadhoodeen Shiinuhu, waxayna Malaayiin u dhashay Shiinuhu wadaan codsi ay saxeexayaan (petitions), kaas oo ay ku dalbanayaan raaligelin inuu ka bixiyo masuulayadaradii uu sameeyay ee cudurka Coronavirus ugu magacdar Shiinaha (Trump’s apology for irresponsible COVID-19 tweet).

Dooddaha in Fayrisku yahay hubka bayoolojiga ah oo laysu adeegsanayo, waxaa Shiinaha iyo Maraykanka ku weheliya Dawladda Iiraan oo ahayd dalkii uu ugu soo horreeyay Coronavirus dalalka Koonfurta Aasiya, waxayna Iiraan oo si weyn dagaal iyo cadaawad xuni ugu dhaxayso Maraykanka ku doodaysaa inay rumaysantahay in Coronavirus uu yahay Fayris ka yimi Maraykanka oo la doonayay in dalal gaar ah oo ay kow ka yihiin lagu bartilmaameedsanayay, balse awooddaha illaahay uu Fayrsikii ku noqday Maraykanka oo ay sheegeen inuu ka yimi.

General Nasrollah Fathian, oo masuul ka ah isku dubbaridka howlaha fulinta ee Xarunta Qaranka Iiraan, ayaa yidhi, “Qiyaasaha si wanaagsan ayaa loo baadhayaa suurtagalnimada in Coronavirus-ka uu yahay weerar Bayooloji ah. Arrintan waxaa lagu baadhayaa dhinaca aragtida caafimaadka iyo aragtida sirdoonka. Illaa iyo hadda, ma hayno caddaymo qasab ah oo caddayn kara fikirkaas, laakiin waxaan ku dhawaaqi doonnaa wax cusub oo arrintan la xidhiidha, ”ayuu yidhi. General Nasrollah Fathian.

“waxaa jira mala awaal ah in viruskan COVID-19, loo sameeyay inuu si gaar ah u bar-tilmaameedsado dadka reer Iiraan marka loo eego astaamaha hidde ahaan (genetic traits). Laakiin hadda, aragtiyahaas dhammaantood waa la baadhayaa, ayuu yidhi. General Fathian.

Dooddaha Iiraan, waxay xoojinayaan aragtida Shacbiga iyo qaar badan oo khubarada Shiinaha ah, hogaamiyayaasha iiraan waxay si weyn ula tacaaleen Fayriska Coronavirus, iyadoo dalka Cunaqabatayn saarantahay, balse Maraykanka oo markii danbe u gudbay Fayrisku wuxu ku baahay dhammaan 50 gobol, waxaana gurmadkii u horreeyay u fidiyay Turkiga.

Dhamaan arrimaha baadhitanaada iyo cudurka Coronavirus, waxa maamulaya khuburo Millateri, xarumaha Ciidamadda ee Cilmi Baadhista, kuwaas oo la sugayo jaaabaha kasoo baxa baadhitandooda, waxayna xiisada u weyni u dhaxaysaa xilligan Maraykanka, Iran iyo Shiinaha.

Hase yeeshee xilligan waxa la garwaaqsaday in dhibaatadu aannay ahayn mid cidna ka badbaadayso, iyadoo faafitaanka Cudurka Coronavirus, dunida u weerraray siday dawladduhu, ama dalalku u kala awood iyo dhaqaale weynaayeen, ama u kala sheeganayeen xadaarad iyo ilbaxnimo iyo horumar, tusaale ahaan tobanka dal ee safka hore kaga jira dhibaatada dhimashada iyo faafitaanka Coronavirus, waa kuwii is bidayay awooda dhaqaale, Millateri iyo xadaarada, kuwaas oo Coronavirus beeniyay sheegashadooda.

China, Italy, United states, Spain, Gemany, Iran, France, Swizerland, South Korea, United Kingdom. dhinaca Afrika, waxaa si weyn looga werwersanaa maadaama aannay haysan adeegyo caafimaad oo fiican iyo dhaqaale buuran inuu Cudurkan Coronavirus cagta marin doono, balse Afrika, wuxuu ku noqday teel-teel, waxaana kiisaskii u horreeyay lagu arkay Egypt, iyo South Afrika oo ah kuwa safka hore kaga jira Afrika ee sheegta awooda dhaqaale iyo cududda Milateri.

Dhinaca dalalka Khaliijka, walaw uu soo gaadhay fayriska Coronavirus, wuxuu dhirbaaxadii u horraysay Afka dhulka u dhigay dhaqaalihii Khaliijka ee Maraykanku iska lahaa hoggaamiyaasha carabtuna waardiyaha ka ahaayeen, waxaana faafitaanka dhinaca dalalkaYurub iCarabta iyo Afrika meelaha uu soo gaadhay bariga iyo galbeedka Afrika, waxa sii xoojiyay ayaa la leeyahay dacaayado iyo warar been ah oo dadka cabsi geliyay, kuwaas oo qayb ka noqday in Coronavirus ku faafo dalalka Khaliijka.

Fatma Ben Hamad, oo ah saxafi la shaqeysa ‘Observateurs France 24‘, waxay sheegtay in seddex macluumaad oo been abuur ah oo ka baxay shabakadaha ku hadla Luqada Carabiga, kuwaas oo ay sheegtay inay qayb ka ahaayeen ama, ka tarjumayeen dareen guud oo ku sii kordhay faafitaanka coronavirus ee waddamada carabta.

 Fiidiyow muwaadin Shiinays ah oo la sheegay inuu “ku dhacay coronavirus” gudaha Sacuudi Carabiya, Muuqalada Xaramka oo haawanayay cabsida Coronavirus awgeed iyo Muuqaalkii hogaamiyihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein, kaas oo lagu sheegayay inuu kaga hadlayo Fayriska ‘Covid-19’ inuu yahay hub bayooloji ah oo uu Maraykanku ugu hankabay inuu adeegsanayo Ciraaq xilligii Saddam Hussein xulufada Maraykanku weerrarka ku qaaday Xukuumaddiisii Ciraaq 2003. Fatma Ben Hamad, waxay arrimahaa ku tilmaantay waxyaabaha dacaayadaha iyo beenta ah ee qaybta ka qaatay faafitaanka meelo baddan oo dunida ah Fayriska Coronavirus.

Gebagebadii ma jiraan ilaa hadda cadaymo lagu qanci karo oo muujinaya in fayriska Coronavirus yahay dagaal bayooloji, oo Maraykanku sameeyay, ama Shiinuhu sameeyay,  sidoo kale ma jiraan cadaymo beeninaya oo meesha ka saaraya fikradaha kala duwan iyo dooddaha sababay burburka cilaaqaadka mustaqbalka ee Shiinaha iyo Maraykanka, balse arrimo baddan ayaa maalmihii u danbeeyay is bedelay, kadib markii su’aalo ka dhasheen sababta Maraykanku isaga xamayn waayay faafitaanka Cudurka, halka Shiinaha oo uu kasoo bilaabmay ku guulaystay inuu ku xakameeyo Wuhan oo ay ku nool yihiin 11 Milyan, iyadoo Shiinaha lagu qiyaaso 1.4Bilyan, halka Maraykanku yahay 3.8milyan.

Dhibaatada ku baahday xilligan Maraykanka, ayaa durba dalbaday caawimo deg-deg ah, isagoo weydiistay saaxiibadiisa Yurub ee ay xulufada yihiin iyo weliba Koonfurta Kuuriya, waxaana caawimadii u horraysay u diray dalka Turkiga, halka Shiinaha uu ku jira kasoo kabasho xaaladdii Wuhan, isla markaana xilligan u muuqdo inuu yahay mid xataa dib uga soo kabtay xaaladii dhaqaale uu dhowaan uu dunida la qabay, isla markaana xoojiyay wax-soo-saarka, si uu kaalmooyin u gaadhsiiyo dunida.

Akhri: Maraykanka Oo Kaalmo Degdeg Ah Ka Dalbaday Yurub Iyo Koonfurta Kuuriya

Arrimahan aan la dafirikarin ee soconaya ayaa cid walaba itaalkeeda tustay, waxayna debcisay mawqifkii Maraykanka ee hore, wuxuuna hadda u muuqdaa inay lagama maarmaan tahay in arrimahan iskaashi lagala yeesho shiinaha oo khibrad weyn iyo xadaarad tusay aduunka. sidoo kale Shiinaha ayaa noqday gurmadka ugu weyn markii Coronavirus kala xidhtay aduunka, wuxuuna Shiinuhu Afrika, Yurub iyo Aasiya ku baahiyay kaalmooyin dawooyin iyo qalab ah oo si weyn loogu baahnaa xilligan, halka Maraykanku caawimo ka dalbay kuwii Siihuhu caawinayay ee saaxiibadiisa Yurub.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa baadhitaanada ay wadaan khubarada dhawr dal oo xarumahooda daraasaadku ku hawlan yihiin xaqiijinta arrimahaa doodduhu ka taagan yihiin, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah inay dhammaan dalalku ballaadhiyaan sidii dunidu meel uga soo wada jeesan lahayd dhibaatadan aan cidna sheegan karin maanta awood iyo dhaqaale ee isku itaalka ka dhigtay, isla markaana la badbaadiyo bulshooyinka, waxaana lama huraaan ah in la sameeyo iskaashi ballaadhan iyo in laysweydaarsado, wixii macluumaad ah iyo kaalmooyinka dhanka Aadaminimo oo aan la siyaasadayn sida xilligan Coronavirus dhacday.

AKHRI: Coronavirus: Maraykanka Iyo Shiinaha Midkee Samayeeyay Maxaase Caddaymo Loo Hayaa?

By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.

E-mail: Jaamac132@gmail.com