Faysal Cali Waraabe: “Ardayda Somaliland ee Itoobiya Amartay in la soo celiyo Waa in loo Diyaar-garoobo”

Hargeysa(Aftahannews);- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Ku Baaqay inay Dowladdu Qorshe Ka Yeelato Ardayda Reer Somaliland ee Waxbarashada u Joogay Dalka Itoobiya oo ay Xukuumadda Itoobiya Dib u Soo Celinayso.

Guddoomiye Faysal oo Khamiistii Maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Dowladda looga baahan yahay in Dhalinyarada laga soo celinayo Itoobiya ay u diyaariyo goobo lagu karantiimeeyo iyo kharashka lagu baxnaaninayo xaaladdooda caafimaad inta ay karantiinka ku jiraan.

Qodobbadaas iyo qodobbo kaleba Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya, waxaannu Warkiis idiinku soo gudbinnay Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.