Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo Qaab Cusub loo Qabtay Maanta & Qodobbo Laga Soo Saaray

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND OO QAAB CUSUB U QABSOOMAY 26 MARCH 2020
SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND OO QAAB CUSUB U QABSOOMAY 26 MARCH 2020

Hargeysa(Aftahannews):- Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo qaab ka duwan habkii hore ee uu u qabsoomi jiray, ayaa lagaga hadlay Ka-hortagga Cudurka Corona-virus Covid-19, iyadoo la kordhiyey Tirada Guddiga Ka hortagga Caabuqa, isla markaana Bil Mushaharkeed ayey Wasiirradu ku deeqeen.

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND OO QAAB CUSUB U QABSOOMAY 26 MARCH 2020
SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND OO QAAB CUSUB U QABSOOMAY 26 MARCH 2020

War-Saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey qodobboda lagu falanqeeyey iyo waxa la isula qaatay, waxaanu nuqul ka mid ah War-saxaafadeedkaas oo warbaahinta aftahannews.com soo gaadhay wuxuu u dhignaa sidatan:-

“Fadhigii 56aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta lagu lafo-guray ka hortaga  xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

Waxaana falanqayn iyo dood dheer oo goluhu yeeshay ka dib ay soo saareen qodobadan:-

  1. In guddidii heer qaran ee ka hortaga xanuunka Coronavirus lagu xoojiyo madaxweyne ku xigeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka horumarinta maaliyada, waxaana guddidaasi laga bilaabo maanta gudoomin doona madaxweyne ku xigeenka.
  2. In madaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin caasimada Somaliland ee Hargeysa, guddidii heer degmo ee caasimada, iyana lagu xoojiyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana guddidaasi gudoomin doona wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad.
  3. In dib loo eego cashuur dhaafkii xukuumaddu hore u samaysay.
  4. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyada sannadka 2020.
  5. In dawladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaanu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.
  6. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xanuunka coronavirus.
  7. Sidoo kale Golaha wasiiradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xanuunka Covid 19,  lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xanuunka Coronavirus.
  8. Ugu danbayn waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka danbeeya shirarkii laysugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo bedelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xanuunka Corona-virus.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooayda ee aftahannews.com soo gaadhay maanta.

Warka Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo Muuqaal ah qaabka uu u Qabsoomay, sidoo kale waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.