Ciyaartoy Kubbadda Cagta Ah Oo Isu-bedelay Tuugo Iyo Walaaca Xidhiidhka

Iyada oo kubbada cagtu ku jirto waqti go’doomin ah ee saamaynta cudurka coronavirus, waxaa soo baxay war lama filaan ah oo sheegaya in ciyaartoy kubbada cagta ahi ay xatooyo sameeyeen isla markaana baadhitaan lagu samaynayo.

Arintan ayaa ka dhacday dalka Australia iyada oo xidhiidhka kubbada cagta Football Federation Australia (FFA) uu samaynayo baadhitaan lagu samaynayo ciyaartoy ka tirsan kooxda kubbada cagta ee Wellington Phoenix .

Ciyaartoyda kooxda Wellington Phoenix ayaa ku jiray go’doominta saamaynta coronavirus laakiin waxay cabeen khamri kadibna waxay xadeen gaadhiga yar ee ay ciyaartoyda Golf-ku garoomada ku yimaadaan.

Ad by Valueimpression

Arintan ayaa ka dhacday magaalada Sydney ee dalka Australia waxaana la sheegay in booliisku ay joojiyeen ciyaartoyda kooxda Wellington Phoenix iyada oo uu socdo baadhitaanka kiiskani.

War rasmi ah oo ka soo baxay xidhiidhka kubbada cagta Australia ee FFA ayaa lagu yidhi: “Xidhiidhka kubbada cagta Australia ee FFA waxaa lagu soo war galiyay warka la xidhiidha laba ciyaartoy oo ka tirsan Wellington Phoenix”.

“Xidhiidhka FFA waxa uu baadhayaa arintan taas oo si aad u adag loo qaadayo. Haddii wax dhaqan xumo ahi in ay dhacday la helo, si deg deg ah ayuu FFA talaabo sharciga waafaqsan u qaadi doonaa. FFA ma joogo meel uu waqti xaadirkan ku bixin karo faah faahin dheeraad ah”.

Laba ciyaartoy ayaa lagu eedeeyay in ay xadeen gaadhiga yar ee ay ciyaartoyda Golf-ku garoonka ku yimaadaan ee loo yaqaan Golf Cart iyada oo hadda si rasmi ah baadhitaan loogu wado.