Pele Oo Iska Indho Tiray Magac Wayn Iyo Qoddobadda Uu Cuskadday

Halyayga reer Brazil ee Pele ayaa su’aalo adag ka jawaabay waxaana wax laga waydiiyay xidiga waqti xaadirkan kubbada cagta aduunka ugu fiican iyo waliba kan uu u arko in uu yahay laacibka abid kubbada cagta ugu fiicnaa.

Pele ayaa sharaxay sababta uu waqti xaadirkan Cristiano Ronaldo u yahay halka uu ku dooday in Lionel Messi aanu ahayn gool dhaliye. Pele ayaa su’aalo kaga jawaabay Yourtube-ka Pilhado wuxuuna soo qaatay magacyada ciyaartoy hore oo uu u karo in ay xusid mudan yihiin.

Laakiin sidii looga bartay markii la soo gaadhay su’aasha xidigii abid taariikhda kubbada cagta ugu fiicnaa waxa uu codka siiyay naftiisa oo uu ku tilmaamay mid dhamaan ka fiican magacyada uu sheegay.

Pele oo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Maanta ciyaartoyga aduunka ugu fiicani waa Cristiano Ronaldo. Waxaan filayaa in uu yahay ka ugu fiican, sababtoo ah in badan ayuu joogteeyay, laakiin dabcan ma ilaawi kartid Messi, laakiin isagu gool dhaliye ma aha”.

Sababta uu Pele u sheegay in Lionel Messi aanu gool dhaliye ahayn ayaa ah in xidiga reer Argentina uu yahay mid waayihiisa ciyaareed inta ugu badan ka soo ciyaaray garabka midig ama dhexda hore inkasta oo uu dhaliyay goolal aad u badan oo ayna xataa dhalin ciyaartoyda weerarka ee gool dhaliyaasha saxda ah loo aqoonsan yahay.

Pele oo ka jawaabaya ciyaartoyga abid taariikhda kubbada cagta ugu fiicnaa ayaa yidhi: “Waa su’aal ay adag tahay in laga jawaabaa. Ma ilaawi karno Zico, Ronaldinho iyo Ronaldo(reer Brazil). Yurub waxaa ah Franz Beckenbauer iyo Johan Cruyff. Hadda qaladkayga ma aha, laakiin waxaan filayaa in Pele uu dhamaantood ka fiican yahay!”.

Laakiin Pele ayaa si layaableh iskaga indho tiray ninka kaliya ee sida dhabta ah laysku barbar dhigo ee Diego Maradona kaas oo sanado badan kubbada cagta ku soo xifiltamayay waqtigii ay ciyaaraha ku dhex jireen.

Maradona ayaa isna isku arka xidiga taariikhda aduunka ee kubbada cagta ugu fiican laakiin Pele ayaa markii uu ka jawaabayay ciyaartoyga taariikhda kubbada cagta aduunka ugu fiican waxa uu iska diiday in uu xuso magaca Maradona.