Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Uga Yimi Marwaddii Madaxweyne Cigaal Kaltuun X. Daahir

Hargeysa, (Aftahannews)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedaymo uga yimi Madaxweyne Muuse Biixi, Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Marwaddii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Islamarkaanna Marwo Kaltuun ayaa sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi oo horboodaya Qoyskiisa ay ku haystaan dhul ay ku leedahay Magaaladda Hargeysa.

Iyaddoo carrabka ku dhufatay in mar horrenna uu siyaasi Maxamuud Xaashi ka horistaagay , islamarkaanna ay Muuse Biixi isu-khilaafeen.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cabdirashiid Qambi ayaa ka hadlay eedaymaha ay Marwo Kaltuun u soo jeedisay Madaxweyne Biixi oo uu meesha ka saaray in aannu gayin eedaymo noocaas ah.

Wasiir Qambi ayaa farriin uu ku baahiyey Bartisa Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in dhulka ay ku doodayso Marwo Kaltuun uu yahay dhul dawladu leedahay, islamarkaanna aannu jirin dhul ay leedahay oo ku yaalla goobta ay ku doodayso. Siddoo kale Wasiir Qambi ayaa qoraalkiisa ku soo bandhigay khariirad uu sheegay inuu ku muujisanyey guri ay leeyihiin qoyska Muuse Biixi .