Kumuu Ahaa Halyeyga K. Cagta Soomaaliyeed Ee Cabdiqaadir Biriq?

London (Aftahannews)-Magaalada London ee waddanka UK, waxa maanta ku geeriyooday halyeygii kubadda cagta Soomaaliyeed ee Cabdiqaadir Maxamed Faarax Biriq oo ka mid ahaa ciyaartoygii ugu fiicnayd kubadda cagta Soomaaliya ee usoo ciyaaray xulka qaranka.

Cabdiqaadir Biriq oo maalmihii ugu dambeeyey u jiifay xanuunka Coronavirus oo uu markii dambe u geeriyooday, waxa uu muddooyinkii dambe falanqeeye ciyaareed ka ahaa Idaacadda BBC Somali, waxaana codkiisa laga maqli jiray maalmaha Sabtida ee ay sida tooska ah idaacaddu u tabiso ciyaaraha horyaalka Premier League qaarkood.

Halyeygan Soomaaliyeed, xilligii uu ciyaartoyga ahaa waxa uu u dheeli jiray naadigii Baatroolka ee ka dhisnaa magaallada Muqdisho, waxaanu muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada London oo uu da’yarta Soomaalida ah ku siin jiray tababarro la xidhiidha ciyaaraha.

Haddaba, kumuu ahaa Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq)?

Sida uu sheegay Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Baatroolka ee magaalada Muqdisho, waxa uu Marxuum ka mid ahaa xiddigihii gobolka Hiiraan u ciyaari jiray tartamada Gobollada Somaliya, waxaanu ka ciyaari jiray garabka midig ee weerarka, hase yeeshee, khadka dhexe iyo baasha bidig ee weerarkaba wuu tegi jiray marka looga baahdo.

Mukhtaar Cuti oo u warramay idaacadda BBC Somali, waxa uu sheegay in Marxuum Cabdiqaadir Biriq uu ahaa shaqsi dabeecad wanaagsan oo bulshadu ay wada jeclayd.

“Kooxda Batroolka ayaa markii ay xirfaddiisa sare aragtay kasoo qaadatay gobolka Hiiraan. Runtii waan isla ciyaarnay aniga iyo isaga, waxaanna ka wada dheeli jirnay xagga weerarka,” ayuu yidhi Mukhtaar Cuti.

Marxuumka ayaa hore ugu sheegay warbaahinta sababta loogu bixiyey magaca Biriq, waxaanu tilmaamay inuu ahaa ciyaartoy orod badan oo taas darteedna loogu bixiyey Biriq (Hillaac).

Si kastaba ha ahaatee, Cabdiqaadir Biriq ayaa maanta u geeriyooday caabuqa Coronavirus, waxaananu Allah uga baryayanaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, asxaabta iyo bahda isboortigana samir iyo iimaan ka siiyo.