Khubarro Soo Bandhigay Xayawaankii Dhaliyey Xannuunka Coronavirus

Hargeysa, (Aftahannews)-Khubarro ka socotay qaar kamid ah Jaamacaddaha dalka Shiinaha oo toddobaadyadii ugu dambeeyey baadhitaano ku samaynaayey sababta keentay Fayraska Korona Fayras ayaa ugu dambayn shaaciyey xayawaanka laga qaaday Fayraskan .

Khubarradan oo ka socotay jaamacadda Agricultural University of South China oo iyagu mudadaasi ku hawlanaa sidii ay u ogaan lahaayeen halka uu Fayraskani ka yimid ayaa sheegay in Fayraskani ka yimid hilibka xayawaanka loo yaqaano Penguin Ant , kaas oo ay dadka Shiinuhu cunaan hilibkiisa.

Xayawaankan oo meelo kamid ah wadankasi sharci daro ka ah cunitaankiisu ahaa ah mid habab hoose loo ugaadhsado, waxaana Fayraskan laga helay siday khubarradani sheegeen qayb kamid ah qoyska Xayawaankan Penguin Ant.

“Cilmibaadhistan ugu dambaysay waxay muhiim u tahay in xal loo helo lagana hortago Fayraska Korona”. Ayay yidhaahdeen khubarrada jaamacaddan oo qoraal kooban ku qoray boggooda Twitter-ka.”

Fayraskan Corona oo bilihii ugu dambeeyey faro baas ku hayey wadanka Shiinaha iyo meelo badan oo caalamka kamid ah ayaan ilaa hadda dawo loo helin, waxaanu galaaftay dad badan oo u dhintay.