Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Bad-qabka Coronavirus

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdillahi Badde ayaa sheegay in guddiga ka hortaga iyo xakamaynta ee cudurka Coronavirus aanay hayn kiis laga shakiyey ama qof qaba cudurka oo ku sugan gudaha dalka .

Wasiir Cumar Cabdiilaahi Badde ayaa sheegay in Somaliland aanu ka jirin cudurka coronavirus balse uu ka jiro dalalka deriska ah, waxana uu yidhi “Somaliland maanta hal kiis oo aanu ka shakisanahay inuu cudurkaasi hayo ama aanu cadayn ma jiro , marka inta aanu ognahay dalkeenu waa nadiif  laakiin Waddamada deriska ayuu jooga taasi waxa ay sheegaysaa khatarta in ay soo kordhayso”Ayuu yidhi Cumar Badde

 Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland waxa uu shacabka ugu baaqay in ay raacan tilmaamaha ay guddigu soo marinayso warbaahinta qaranka , islamarkaana qofkasta ilaaliyo nadafadiisa , ta qoyskiisa iyo qaranka“Bulshada waxaan ugu baaqaynaa in ay sidooda u qaatay tilmaamaha ay guddigu warbaahinta soo  marinayso , ilaali nafaadafa shakhsiga ah oo haddii aad isku aragto calaamado u eg calaamadaha ay wasaaradda caafimaadku sheegtay dadka ka fogow oo la xidhiidh  goobaha caafimaadka”