Cristiano Ronaldo Muxuu Ka Yidhi Kooxo Uu Ku Biirayo Mustaqbalka?

Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa la shaaciyay in uu maskaxda ku haysto laba kooxood oo ay suurtogal tahay in uu doonayo sidii uu ugu biiri lahaa waxaana la sheegayaa in uu ka bixi doono Juventus.

Wargayska Diario GOL ayaa shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu maskaxda ku haysto laba kooxood oo uu midkood ku biiri doono haddii uu kaga dhabeeyo in uu ka dhaqaaqo kooxdiisa hadda ee Juventus.

Wargayka Diario Gol ayaa shaaciyay in kooxaha  Paris Saint-Germain iyo Manchester United ay yihiin kooxaha uu Ronaldo sawiranayo in uu ku biiro haddii uu ka baxo kooxdiisa hadda ee Juventus.

Warkan ayaa lagu sheegay in kooxda  Paris Saint-Germain ay miiska dalab u saartay Cristiano Ronaldo isla markaana ay doonayaan in uu weerarka kooxdooda lamaane kula noqdo da’yarka  Kylian Mbappe.

Arintan ayaa keeni karta in kooxda PSG ay Neymar Jr u ogolaan karto hamigiisa ah in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona halka haddii ay ku guulaystaan Ronaldo ay xal u heli karaan mustaqbalkii uu shakigu sii galiyay ee Mabppe.