Wershad Laga Hirgeliyey Oo Geedka Garanwaaga U Bedelaysa Dhuxul

Hargeysa (Aftahannews)- Wershaddaas oo ay hindiseen muwaadiniin reer Somaliland ah waxa ay sheegeen in kaalin wayn ay  ka qaadan karto sidii looga baaqsan lahaa xaalufka dhirta Dhuxusha laga shido iyo deegaanka. Iyadoo shacabka ku nool caasimadda Hargeysa ay soo dhaweeyeen wershaddan.Xubno katirsan golaha wasiirada Somaliland ayaa iyo Xisbiyada mucaaridka ayaa kormeeray wershaddan cusub ee Geedka garanwaaga dhuxusha ka samaynaysa.

Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga iyo wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland oo kamid ahaa masuuliyiintii kormeeray wershaddaasi ayaa soo dhaweeyay fikradda cusub ee la yimaadeen muwaadiniita aasaastay iyagoo tilmaamay inay wershadu  gurmad u noqonaysa deegaanka iyo sidii loo yarayn lahaa xaalufta dhirta qoyan.