Wargeys Mareykan Ah Oo Soo Jeediyey Taladii Nabi Muxamed (SCW) Bixiyey Si Loola Dagaalamo Xannuun Coronavirus

Washintong, (Aftahannews)-Wargeyska Newsweek ee dalka Mareykanka ayaa warbixin uu qoray ku iftiimiyey in dhakhaatiirta adduunka ay bilaabeen inay ku baaqaan taladdii uu Rasuulka SCW uu sheegay 1400 sanno ka hor, taasoo looga hortagayo cudurada faafa.

Arrintan ayuu wargeyska ku sheegay maqaal uu sameeyey cilmi-baadhe Mareykan ah oo lagu magacaabo Dr. Craig Considine, kaasoo sheegay in cudurka ka dilaacay adduunyada ee Coronavirus uu ku qasbayo dowladaha iyo aaladaha warbaahinta kala duwan inay bixiyaan talo sax ah oo ka caawinaysa bulshada adduunka inay wax ka qabtaan cudurkan faafayo ee khatarta gelinaya aadanaha oo dhan.

Cilmi-baadhahaas ayaa intaa ku daray, in Coronavirus dartii ay sarre u kacday baahida loo qabo talada khubarada daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale seynisyahanada ku lugta leh daraasadaha cudurada faafa iyo saameyntooda.

Cilmi-baadhahaan Mareykanka u dhashay oo soo xiganayo Dr. Anthony Fossey oo ku takhasusay cilmiga difaaca Jidhka iyo Dr. Sanjay Gupta, oo ah wariye dhanka caafimaadka ayaa yidhi “Joogteynta Nadaafadda, karantiilnimada, ama ku-dhaqanka kala fogeynta bulshada, iyadoo la rajeynayo ka-hortagga faafidda cudurrada faafa, waa tallaabada ugu waxtarka badan gaar ahaan waqtigan hadda la joogo oo adduunyada la tacaaleyso Virus-ka cusub ee Corona”.

Considine, oo  hore u qoray laba buug oo uu kaga hadlayey Islaamka ayaa la  wayddiiyey su’aal uu isku dayey inuu ka jawaabo oo aheyd “Ma taqaanaa cidda ku talisay nadaafad iyo karantiil marka uu dillaaco cudur faafa? wuxuu ku jawaabay isagoo leh ” Nabiga Islaamka Muxumed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaatee 1400 sanno ka hor”.

Qoraaga ayaa hadalkiisa ku sii daray “Inkastoo Nabiga Islaamka aannu ahayn khabiir dhanka arrimaha la xidhiidha cudurada dilaaga ah, haddana wuxuu bixiyey talo fiican oo looga hortagi karo faafitaanka cudurada faafa sida Virus-ka cusub ee Corona”.

Qoraaga ayaa sheegay in Nebi Muxammad SCW uu ku taliyay in laga fogaado kuwa cudurada faafa qabo si looga ilaaliyo kuwa caafimaadka qaba, sidoo kalo wuxuu sheegay in Nabiga SCW  uu ku booriyay aadanaha inay raacaan caadooyinka nadaafadeed ee maalin walba, taasoo awood u siineyso inay iska difaacaan cudurka isagoo soo daliishanayo dhawr xadiis oo la xidhiidha Nadaafadda.

Wuxuu intaa ku daray: “Nabi Muxamed SCW wuxuu yidhi: Haddii aad maqasho dhul gaar ah oo uu ku faafay cudurka Daacuunka ha gelina, balse haddii uu cudurka ku faafo meel aad joogto haka soo bixin,  Wuxuu kaloo yidhi: Kuwa cudurrada faafa qabo waa in laga ilaaliyaa dadka kale ee caafimaadka qaba.”

Qoraaga oo sii wado su’aal is wayddiinta ayaa yidhi “Haddiiba uu qof xanuunsado, waa maxay talada uu Nabi Muxammad SCW ku taliyey in la siiyo dadka xanuusan?  Qoraaga wuxuu ku jawaabay: Runtii wuxuu ku dhiirigaliyey inay raadsadaan dhakhaatiir iyo dawo” wuxuuna qoraaga soo daliishaday Xadiiska uu Nabiga ka wariyey Usaama Bin Sharik ee uu ku yidhi ” Acraabi ayaa rasuulka ku yidhi “Rasuul Allow miyaan is daaweynaa? Rasuulka ayaa yidhi: Addoomihii Allow is daaweeya, Ilaahey ma keenin cudur illaa wuxuu u dejiyey daawo hal cudur maahane, waxay Rasuulka ku yidhaahdeen waakee cudurkaas, wuxuu ku yidhi ” duqnimadda”

Qoraaga ayaa sheegay in Nabiga Islaamku uu ahaa mid ay ka buuxdo Xikmad isku dheeli tireyso Iimaanka iyo Caqliga, wuxuuna sheegay in toddobaadyaddii la soo dhaafay ay qaarkood arkeen in Salaadda kaligeed ay awood u leedahay inay dadka ka ilaaliso Coronavirus, iyadoo aan loo hoggaansamin xeerarka aasaasiga ah ee go’doominta bulshada iyo karantiilka.

Dhammaadka maqaalkiisa ayuu qoraaga ku sheegay inay mudan tahay in lagu daydo qisadii uu soo wariyey Tarmadi ee uu ku sheegay in Maalin uu Nabiga u yimi nin reer baadiye ah oo Nabiga kala tashanayey arrin ku saabsan hashiisa: “Nin baa yidhi, Rasuulkii Ilaahayow, hashayda ma xidhaa kadibna alle maku kalsoonaadaa, mise waa sii daayaa oo Alle ayaa ku kalsoonaadaa, wuxuu yidhi: Xidh kadibna Alle ku kalsoonow”.

Qoraaga ayaa sheegay inkasta oo uu Nabiga Maxamed SCW ku taliyay in diinta ay tahay dastuur dhameystiran oo dhanka nolosha aadanaha, wuxuu sidoo kale ku booriyay in taxadarka lagama maarmaanka ah la qaado si loo hubiyo xasilloonida, nabadgeliyada iyo wanaagga dhammaan.

 Xigasho Wargeyska Warsugan